Waxaa magaalada Godey ka qabsoomay Kulanka Wada-tashi Bulsho ah oo lagu dhageysanayey tabashada bulshada.

Addis Ababa, Xoorreey 5/2018 (ENA): Kulanka wada-tashiga ah ee lala yeeshay bulshada magaalada Goday ayaa waxaa ka soo qayb-galay Madaxweynaha Ku-xigeenka Deegaanka Soomaalida Mudane Ibraahim Cusmaan, Wasiirka Waraabka iyo Dhulka Jooggiisu Hooseeyo Dr. Abraham Belaay, Wasiirka Macdanta Dalka Inj. Habtaamu Tegeny, masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga Barwaaqo iyo xukuumadda.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waxqabadkii u qabsoomay xisbiga Barwaaqo muddadii u dambaysay, aragtida xisbiga ee horumarka guud, daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyo weliba dhagaysiga aragtida shacabka si loo xoojiyo ka jawaabidda baahiyaha bulshada.


 

Ibraahim Cusmaan ayaa kulanka ka sheegay in isbeddelkii ka dib deegaanka laga hirgeliyey qodobo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin xoojinta amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo furfurnaanta siyaasadeed.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015