Waxaa qabsoomay shir iskaashi oo lagu xoojinayo Nabadgalyada iyo Xasiloonida Gobollada Mudug iyo Doollo

Addis Ababa, Xoorreey 4/2018 (ENA): Shir ku saabsan iskaashiga nabadgalyada iyo xasiloonida gobolka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Puntland ee Soomaaliya iyo gobolka Doollo ee Deegaanka Soomaalida ayaa ka qabsoomay degmada Buursaalax ee ka tirsan gobolka Mudug ee Dowlad goboleedka Puntlland. 

Kulankan waxaa kasoo qaybgalay hogaaminta gobollada Doollo oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka Doollo Mudane Cabdulaahi Deeq, Hogaanka Nabadgalyada Gobolka Doollo Mudane Maxamuud Saalax, madaxa arrimaha siyaasada gobolka Mudane Mustafe Cabdulaahi iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Bookh, Galxamur & Gallaadi ee Deegaanka Soomaalida iyo hoggaaminta degmooyinka Gaalkacyo, Buursaalax, Jariiban, Towfiiq iyo Xarfo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya. 

Ugu dambayn, kulankan nabadgalyada ee gobollada Doollo iyo Mudug ayaa ah mid saddexdii bloodba mar la qabto islamarkaasina diiradda lagu saaro xasiloonida labada gobol iyo soohdimaha ay wadaagaan degmooyinka dhaca xuduudaha gobolka Doollo iyo Mudug sidii ay iskaga kaashan lahaayeen ayaa lagu lafaguray xaaladda guud ahaan ee amniga ayaa waxaa kasoo qaybgalay hay'adaha nabadgalyada gobolka Doollo iyo kuwa gobolka Mudug.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015