Horumarka Sare ee Dhaqdhaqaaqa Maalgashiga Itoobiya ayaa laga dareemayaa kobic xoogan - ENA Af-Soomaali
Horumarka Sare ee Dhaqdhaqaaqa Maalgashiga Itoobiya ayaa laga dareemayaa kobic xoogan
Addis Ababa, Xoorreey 4/2018 (ENA): Komishineerka Komishinka Maalgashiga Itoobiya, Dr. Seleke Tamasgan, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa maalgashiga ee dalka uu muujinayo koror iyo horumar muuqda.
Waxaa ka socda magaalada Harar shir wada-tashi ah oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiinta maalgashiga ee federaalka iyo deegaannada, si looga wada hadlo horumarinta maalgashiga iyo xallinta caqabadaha ka jira.
Komishineerka ayaa intii uu hadlayay sheegay in dhowr tallaabo oo muhiim ah la qaaday si loo xalliyo dhibaatooyinkii jiray loona abuuro jawi maalgashi oo u fudud ganacsatada gudaha iyo kuwa caalamiga ah, taas oo keentay horumar muuqda iyo dhaqdhaqaaq ballaaran.
Sidoo kale, in ka badan 130 sharci, qawaaniin, iyo hagitaan cusub ayaa la soo rogay, waxaana la furay qaar ka mid ah suuqyada iyo qaybaha muhiimka ah ee ganacsiga, taas oo horseedday koboc iyo horumar dheeraad ah.
Madaxweyne Kuxigeenka Deegaanka Hararida Roosa Cumar, ayaa sheegay in la ballaariyay adeegyada ganacsi, la horumariyay soo saarista alaabta, lana fududeeyay suuq-geynta iyo helitaanka suuqyada dibadda, iyadoo dowladda deegaanku ay taageero muhiim ah siineyso maalgeshiga si loo kobciyo horumarka deegaanka.
Shirka wada-tashiga waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiinta federaalka, deegaanka, ee laamaha maalgashiga iyo warshadaha.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya