Daahfurka mashruuc ka shaqayn doona nafaqada beeraha si wax looga qabto nafaqo-darrada ku dhacda hooyada iyo caruurta korna loogu qaado nolosha bulshada ayaa laga daahfuray magaalada Godey.

Addis Ababa, Xoorreey 4/2018 (ENA): Barnaamijkan oo ka mid ah Mashruuca LLRP-II oo soconaya mudo 3 sano ah ayaa ka shaqayn doona tuulada Liibaan ee degmada Cadaadle, waxaana loogu talagalay in uu wax ka qabto nafaqa-darrada ku dhacda hooyada iyo caruurta korna loogu qaado waxsoosaarka cuntada nafaqaysan ee beeraha si nolosha bulshada wax looga baddalo.


 

Daahfurka mashruuan ayaa waxaa kasoo qaybgalay lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka cunnada caafimaadka iyo nafaqada, Mudane Cabdiraxmaan Mahad, maamulka degmada Cadaadle, howl-wadeenada mashruuca LLRP iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015