Itoobiya oo ku guulaysatay bilada dahabka ee sadexaad ee ciyaaraha dhalinyarada Afrika - ENA Af-Soomaali
Itoobiya oo ku guulaysatay bilada dahabka ee sadexaad ee ciyaaraha dhalinyarada Afrika
Addis Ababa; Xoorreey 3/2018 (ENA): : Ciyaaraha Dhallinyarada Afrika ee Afraad oo ka socda magaalada Luanda ee dalka Angola, ayaa maanta galay maalintii saddexaad.
Mahder Desta ayaa ku guulaystay bilad dahab ah tartankii baaskiilka ee dumarka.
Dahabka Mahder uu ka helay ciyaarihii labaad ee dhalinyarada Olombikada Itoobiya ayaa ka dhigan bilada dahabka ee seddexaad ee Itoobiya ay ka hesho tartanka, sida ay sheegtay wasaaradda dhaqanka iyo ciyaaraha.
Itoobiya ayaa ku guulaysatay billadaha dahabka ah ee 3000m ee haweenka iyo kooxda baaskiilka ee hawenka.
Ciyaaraha ay Itoobiya ka qayb galayso ayaa kala ah:ciyaara Fudud, Baaskiilka, Taekwondo-ga Adduunka, Karate, Tennis-ka, Dabaasha iyo Culayska qaadida.
Ciyaartoyda ka qayb galaya ciyaaraha dhalinyarada Afrika ayaa lagu soo xulay qaab ciyaareedkooda ciyaarihii 2-aad ee Itoobiya oo dhawaan la soo gabagabeeyay.
54 wadan ayaa ka qayb galaya 33 ciyaarood. Munaasabadda ciyaaraha qaaradaha ayaa socon doonta ilaa tahsaas 16, 2018.
Ciyaaraha Dhallinyarada Afrika waa is-reeb-reeb iyo diyaar-garow loogu jiro 4-aad ee Ciyaaraha Olombikada Dhallinyarada Jiilaalka oo lagu qabanayo dalka Senegal sanadka 2019.