24.8 milyan oo carruur ah ayaa lagu tallaalayaa ololaha isku-dhafka ah ee tallaalka dabaysha ee dalka oo dhan - Wasaaradda Caafimaadka - ENA Af-Soomaali
24.8 milyan oo carruur ah ayaa lagu tallaalayaa ololaha isku-dhafka ah ee tallaalka dabaysha ee dalka oo dhan - Wasaaradda Caafimaadka
Hawassa; Xoorreey 3/2018 (ENA):: Wasaaradda caafimaadka ayaa ku dhawaaqday in 24.8 milyan oo carruur ah lagu tallaali doono ololaha isku-dhafka ah ee tallaalka dabaysha ee guud ahaan dalka.
Barnaamijka daah-furka ololaha isku dhafka ah ee tallaalka cudurka dabeysha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hawassa.
Wasiirka caafimaadka Dr. Mekdes Daba ayaa shaaca ka qaaday in 24.8 milyan oo caruur ah laga tallaali doono dalka oo dhan. ololaha isku dhafka ah ee tallaalka dabeysha oo socon doona muddo afar maalmood ah oo maanta ka bilaabmay dalkb oo dhan..
Sidaa darteed, waxay ugu baaqday waalidiinta iyo dadka masuulka ka ah inay carruurta da'doodu ka yar tahay shanta sano ka ilaaliyaan cudurka dabaysha iyagoo ka tallaalaya.
Dr. Mekdes ayaa sidoo kale ku boorisay culumaa’udiinka, odayaasha iyo qeybaha kale ee ay khuseyso in ay kaalintooda ka qaataan waxtarka ololaha tallaalka guri-ilaa-kaguri iyo dugsiyadaba lagfulinaayo.
Sida ay sheegta Dr.Maqdas, ololahan waxaa ka mid ah xoojinta noocyada kale ee tallaallada, ka hortagga cudurrada iyo waxbarashada caafimaadka bulshada, marka laga soo tago tallaalka cudurka dabeysha.
Tallaalka ka sokoow, waxaa la samayn doonaa sahanka fayraska Marburg.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya #ENA