Doorka la-hawlgalayaasha waa muhiim si loo hubiyo helitaanka adeegyada caafimaadka la isku haleyn karo

Addis Ababa; Xoorreey 3/2018 (ENA): Wasiirka Caafimaadka, Dr. Meqdhes Dhaaba, ayaa sheegtay in doorka la-hawlgalayaasha uu muhiim u yahay xoojinta dadaallada lagu hubinayo helitaanka adeegyada caafimaadka.


 

Wasaaradda Caafimaadka ayaa qabanqaabisay madal wadatashi oo ay ku midaysan yihiin daneeyayaasha ku saabsan daryeelka caafimaadka hooyada, dhallaanka iyo dhallinyarada.

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Maqdhes Dhaaba, ayaa munaasabadda ka sheegtay; Itoobiya waxay si adag uga shaqeyneysaa sidii loo hubin lahaa helitaanka adeegyada caafimaadka.

Wuxuu sheegay in natiijooyin dhiirigelin leh laga diiwaan geliyay howlaha la qabtay gaar ahaan daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Waxa kale ay wasiirku sheegtay in guulahan lagu gaaray ballanqaadka dowladda iyo taageerada joogtada ah ee la-hawlgalayaasha.

Waxay sheegtay in Itoobiya ay dadaal ugu jirto sidii ay caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ugu fidin lahayd dhammaan xarumaha caafimaadka si dhammaystiran, doorka la-hawlgalayaashana uu muhiim u yahay xoojinta helitaanka adeegyada caafimaadka.

 


Wasiiru-dowlaha Caafimaadka Dr. Dhereje Dhuguma, ayaa dhankiisa sheegay in Itoobiya ay ka shaqeyneyso qorshe lagu gaarayo yoolkeeda ah in la yareeyo dhimashada hooyada iyo dhallaanka.

Wuxuu xusay in olole lacag ururin ah la bilaabay si loo sii xoojiyo shaqadan iyo in ka badan 160 milyan oo doolar laga soo ururiyey la-hawlgalayaasha ilaa hadda.

Wuxuu sheegay in lacagtan loo isticmaali doono saddex sano oo ka bilaabmaya sanadkan iyo in ololaha lacag ururinta la sii xoojin doono.

Wasiiru-dawlaha ayaa intaa ku daray in lacagaha la ururiyey loo isticmaali doono agabka caafimaadka iyo wax-soo-saarka, dhismaha xarumaha caafimaadka, dhisidda awoodda xirfadlayaasha caafimaadka iyo hawlo la mid ah.

 

Safiirka Nederlandhs ee Itoobiya iyo Isuduwaha Ururinta Lacagta ee La-hawlgalayaasha, Kristiin Piren, ayaa sheegtay in natiijooyinka ay Itoobiya ka gaadhayso qaybta caafimaadka ay yihiin kuwo dhiirigelin leh.

Waxay sheegtay in hawlaha la fulinayo si loo hubiyo helitaanka adeegyada caafimaadka ay yihiin kuwo rajo leh.

Waxay tilmaameen in dhammaan la-hawlgalayaasha ay danaynayaan xoojinta hawlaha la fulinayo waxayna xaqiijiyeen in hawlaha lacag ururinta iyo taageerada noocaas ah la sii xoojin doono.

#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015