Itoobiya waxaa ka socda dadaallo miro dhal ah oo lagu doonayo in dalka laga dhigo xubinta WTO sanadka 2026 - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxaa ka socda dadaallo miro dhal ah oo lagu doonayo in dalka laga dhigo xubinta WTO sanadka 2026
Addis Ababa, Xoorreey 2/2018 (ENA): Wasiirka Ganacsiga iyo Iskuxidhka Gobalka, Kasaahun Gofe (Dr.), ayaa sheegay in ay socdaan shaqooyin wax ku ool ah oo ku wajahsan sidii Itoobiya xubinnimo uga heli lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) sanadka 2026.
Waxaa socda kulan wacyigelin ah oo lagu magacaabo “Itoobiya oo Ganacsiga Dib u Habeenaysa; una gudbaysa Heer Sare,” kaas oo loo qabanayo daneeyayaasha ku lugta leh wadahadallada xubinnimada WTO, iyadoo uu goob joog ka yahay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka, Tamasgan Tiruneh.
Wasiirka Kasaahun Gofe (Dr.) ayaa sheegay in Itoobiya ay u diyaar garoobayso xubinnimada WTO si ay u xoojiso koboca dhaqaalaha, soo jiidashada maalgashiga, iyo arrimo kale oo badan oo muhiim u ah dalka.
Wuxuu xusay in WTO ay ka kooban tahay 166 dal oo gacanta ku haya 98% ganacsiga caalamiga ah, isla markaana codsiga Itoobiya ee xubinnimada la aqbalay oo wadahadalladii si rasmi ah loo bilaabay.
Wuxuu sidoo kale sheegay in la dhisay guddi wadahadal, lana qabtay ilaa lix wareeg oo wadahadallo ah.
Ilaa hadda, wadahadallada dhinacyo badan leh waxaa laga gudbiyay in ka badan 1,050 su’aalood oo dhammaantood si faahfaahsan looga jawaabay.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in Itoobiya si niyad adag ugu shaqaynayso sidii ay ugu biiri lahayd WTO waqti dhow.
Isaga oo arrinta sii faahfaahinaya, wuxuu tilmaamay in xubinnimada WTO ay ka caawin doonto Itoobiya in ay abuurto jawi ganacsi oo ammaan ah, isla markaana kordhisa tartanka iyo iibka badeecadaha Itoobiya.
Wuxuu intaas ku daray in dadaallada socda ee lagu doonayo xubinnimada 2026 ay yihiin kuwo natiijo fiican dhalinaya, isla markaana ay muhiim u yihiin kobcinta awoodda dhaqaalaha iyo kordhinta qulqulka maalgashiga.
Ugu dambayn, wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in doorka daneeyayaasha kala duwan uu yahay mid lagama maarmaan u ah guusha howlaha socda.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya