Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida ayaa saaka qaybiyay 15 xabo oo ah gaadiidka gurmadka degdega ah - ENA Af-Soomaali
Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida ayaa saaka qaybiyay 15 xabo oo ah gaadiidka gurmadka degdega ah
Addis Ababa, Xoorreey 2/2018 (ENA): Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida oo kaduulaya baahiyaha kajira degmooyinka iyo Cusbitaalada ee dhanka gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa maanta 15 gaadiidka gurmadka degdega ah oo cusub uqaybiyay 12 degmo iyo 3 Cusbitaal.
Shuruuraha laga duulay qaybinta ayaa ahayd; Tirada xarumaha caafimaadka iyo tirada gaadiidka ka ay degmadu haysato, fogaanta ay ujirto Cusbitaalka ugu dhow ee bukaanka loogudbiyo, cimriga gaadiidka ay haysato, IWM.
Degmooyinka la siiyay ayaa waxay kala yihiin Boodaley, Lehel-yucub, Dhanaan, Feerfeer, Gunagado, Lagahida, Hudhat, Hargeele, Dhuxun, Ayshica, Dambal iyo Tuli-guuleed . Cusbitaalada Filtu, Gaashaamo iyo Hargeele ayaa sidoo kale la siiyay.
Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida Mudane Maxamed Ayaanle oo furayowga kuwareejiyay degmooyinkaas iyo cusbitaalada ayaa sheegay in gaadiidkani kor u qaadi doono heer daboolka gaardiidka gurmadka degdega ah ee deegaanka kaasoo sahli doona gudbinta bukaanka.
Ugu dambayn, Maxamed ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta degmooyinka lagu wareejiyay gaadiidkan inay u isticmaalaan gaadiidkan ujeedadii loogu talagalay oo kali ah, islamarkaan ilaashadaan una qabsadaan miisaaniyad lagu dayactiro iyo shidaalkeedaba, si muddo dheer ugu adeegto bulshada, una dhiibaan dirawal khibrad iyo akhlaaq leh.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya