Itoobiya ayaa horumar la taaban karo ka gaartay dhanka lacag-bixinta dhijitaalka ah

Addis Ababa, Xoorreey 1/2018 (ENA): Guddoomiyaha Bangiga Qaranma, Iyoob Tekaliny (Dr.), ayaa sheegay in horumarka ay Itoobiya ka samaysay lacag-bixinta dhijitaalka ah sanadadii u dambeeyay uu saldhig u noqday himilooyinka dambe ee dalka. Waxa uu hadalkan ka sheegay xiritaanka shirkii labaad ee Itoobiya "Shirka Lacag-bixinta Dhijitaalka ah" oo si guul leh ku soo dhammaaday.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dad badan ay joojiyeen ku tiirsanaanta lacagta caddaanka ah, isla markaana ay si degdeg ah u qaateen adeegyada dhijitaalka ah. Shantii sano ee la soo dhaafay, nidaamka lacag-bixinta dhijitaalka ah ayaa sanad walba maareeyay lacag ka badan 18.5 tirilyan oo birr ah, taas oo dalka ka badbaadisay kharash iyo culays dheeri ah oo ka iman lahaa isticmaalka lacag caddaan ah.

Sida uu sheegay, guushan waxaa horseeday mudnaanta dowladda siisay dhismaha kaabayaal dhijitaal ah, siyaasado sax ah iyo istiraatiijiyad cad oo lagu hirgeliyay nidaamka lacag-bixinta dhijitaalka. Waxaa hadda la qorsheynayaa in la xoojiyo kalsoonida bulshada ee bangiyada dhijitaalka ah, la adkeeyo ammaanka nidaamka, isla markaana la yareeyo farqiga u dhexeeya bulshada miyiga iyo magaalada ee adeegsiga tiknoolojiyadda.

Sidoo kale, dowladda ayaa ballaarin doonta maalgelinta hal-abuurka iyo mashruucyada dhijitaalka ah. Shirka waxaa sidoo kale lagu shaaciyay Istiraatiijiyadda Qaranka ee Lacag-bixinta Dhijitaalka ah ee 2026–2030, taas oo hagaysa marxaladda xigta ee horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalka.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015