Xuska maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga - ENA Af-Soomaali
Xuska maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga
Addis Ababa, Xoorreey 1/2018 (ENA): Xuskani maalinta Xuquuqda Aadamaha oo ah mid caalamiya ayaa ahayd mid lagu iftiimiyay muhiimadda ilaalinta xuquuqda, karaamada, sinnaanta iyo xorriyadda banii’aadamka.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka socda heer deegaan oo uu uhoreeyo Gudoomiye kuxigeenka Maxkamada Guud ee Deegaanka Soomaalida, Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Cadaalada, masuuliyiin heer federaal ah oo uu ugu horeeyo madaxa Hay'ada Xuquuqul-iinsaanka ee Qaramada Midoobay ufadhiya Itoobiya, ururrada bulshada rayidka, dhalinyaro, haween, culimaa'udiin, xubno Booliska Soomaalida ka socda iyo bahwadaagta caalamiga ah.
Gudoomiye kuxigeenka Maxkamada Guud ee DDS Mudane Cabdikariim Axmed oo ka hadlay horumarka laga sameeyay ilaalinta xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in lagu guulaystay ilaalinta xuquuqda aadamaha, islamarkaana lasii wadayo.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya