Waxaa socda in sharciga la horgeeyo dadka ku lugta leh xatooyada loo gaysto kaabeyaasha korontada

Addis Ababa, Xoorreey 1/2018 (ENA): Adeegga Korontada Itoobiya ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadayo dadka ku lugta yeesha xatooyada kaabayaasha korontada iyo dhaca tamarta, isla markaana dacwad ciqaabeed lagu furay dhowr kiis.

Masuuliyiinta hay’adda ayaa si wadajir ah u soo bandhigay warbixin ku saabsan dambiyada la xiriira xatooyada kaabayaasha korontada iyo dhaca tamarta ee dhacay afartii bilood ee la soo dhaafay, iyo talaabooyinka la qaaday.

Hay’addu waxay sheegtay in afartii bilood ee la soo dhaafay la ogaaday dambiyo la xiriira burburinta kaabayaasha korontada iyo xatooyada tamarta, iyadoo xiriir la leh toban kiis oo dacwad ciqaabeed lagu furay, kuwaas oo hadda ku jira hannaan maxkamadeed.

Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha, Anwar Abraar, ayaa sheegay in mudadaas oo keliya ay diiwaangeliyeen dambiyo la xiriira xatooyo fiilooyinka, shilalka gaadiidka ku waxyeelleeya kaabayaasha korontada, iyo xatooyada tamarta. Inta lagu jiro baaritaannada afarta bilood, 107 kiis ayaa la ogaaday, waxaana la qaaday tallaabo lagu xaqiijinayo mas’uuliyadda dadka ku lugta leh.

Waxay sheegeen in kormeer iyo ilaalin keliya aanay ku filnayn in dhibaatooyinkan la joojiyo, iyagoo ugu baaqay bulshada inay si masuuliyad leh ugala shaqeeyaan hay’adda sidii loo difaaci lahaa kaabayaasha korontada.

Agaasimaha Arrimaha Sharciga iyo Anshaxa, Ababa Tasfu, ayaa dhankiisa sheegay in burburka iyo xatooyada kaabayaasha korontadu ay saameyn weyn ku yeelanayaan adeegga korontada, waxaana muhiim ah in la fahmo kaatarta ay leedahay.

Waxa uu intaas ku daray in lagu howlan yahay dhisidda iyo hirgelinta nidaam sharci oo kaabaya ilaalinta kaabayaasha korontada iyo isticmaalka tamarta si habboon.

Waxa kale oo uu xusay in burburka kaabayaasha korontada uu saamayn dhaqaale iyo bulsho ku leeyahay dalka, isla markaana loo baahan yahay in dhammaan hay’adaha ay mas’uul ka yihiin ilaalinta hannaankooda shaqo si loo yareeyo khasaaraha.

Agaasimaha Suuq-geynta, Iibka iyo Adeegga Macaamiisha, Birhaanu Oljiraa, ayaa sheegay in hore aysan u jirin ciqaab adag oo lagula tacaalo dambiyada la xiriira xatooyada iyo burburinta kaabayaasha korontada, balse hadda ay muhiim tahay in la adkeeyo nidaamka ciqaabta.

Sida uu sheegay, marka laga soo tago xoojinta nidaamka kormeerka, waxaa sidoo kale socda in la cusboonaysiiyo nidaamka ciqaabta si uu u noqdo mid wax tar leh, isla markaana uu dadka ka reebo falalka noocaas ah.

Ugu dambayntii waxa uu intaas ku daray in dambiyada la xiriira adeegsiga sharci darrada ah ee tamarta ay hadda leeyihiin ganaax lacageed oo kala sarreeya oo lagu dabaqayo heer kasta oo dembi ah.

#WWI  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015