Dowladda Iskudarka waxay siyaasaddeeda dhaqaalaha dhinacyada badab ku dhisan ay dhiirri-gelisay tartanka warshadaha – Wasiir Malaaku Alabal

Addis Ababa, Xoorreey 1/2018 (ENA): Wasiirka Warshadaha Malaaku Alabal ayaa sheegay in siyaasadda dhaqaalaha dhinacyada badab ku dhisan ee dowladda Iskudarka ay kor u qaadday tartanka iyo hal-abuurka ka jira qaybta warshadaha.

Wasiirku wuxuu u sheegay WWI in mudnaanta dowladda ee horumarinta warshadaha ay sababtay in qaybtu si weyn u kacdo oo isbeddel muuqda la sameeyo.

Isaga oo tusaale u soo qaatay, wuxuu xusay isbeddellada siyaasadeed, istaraatiijiyadeed iyo hagaajinta qaab-dhismeedka hay’adaha oo dhamaantood gacan ka geystay horumarinta warshadaha.

Wuxuu sheegay in tallaabooyinkaas ay suurto geliyeen kordhinta wax-soosaarka warshadaha iyo xaqiijinta koboca joogtada ah ee qaybta wax-soo-saarka.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in horumarinta dhaqaalaha dhinacyada badab ku dhisan ay keentay in ka qaybgalka qaybta gaarka loo leeyahay uu kordho, laguna abuuro jawi ay kaalin muuqata ku yeeshaan.

Arrintan ayaa sidoo kale sare u qaaday wada-shaqeynta u dhaxaysa dowladda iyo qaybta gaarka loo leeyahay, iyadoo qaybtu kasbatay faham dheeraad ah oo ku saabsan nidaamyada wax-soo-saarka.

Wasiir Malaaku wuxuu sheegay in guulaha la gaaray ay yihiin caddeyn muujinaysa in siyaasadda 
dhaqaalaha dhinacyada badab ku dhisan ee dowladda Iskudarka ay dhiirri-gelisay tartanka iyo hal-abuurka warshadaha.

Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray in hawlaha warshadaha ee socda ay door wanaagsan ka qaadanayaan hagaajinta nolosha shacabka iyo dhimista culayska qiimaha nolosha.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay tallaabooyinka lagu xallinayo caqabadaha ku xiran alaab-qeybinta iyo korontada, kuwaas oo gacan uga geystay kordhinta wax-soosaarka warshadaha.

Ugu dambayntii, wuxuu tilmaamay in dadaallada lagu kordhinayo wax-soosaarka gudaha iyo lagu dhimayo kharashaadka wax-soo-saarka ay sare u qaadeen faa’iidada shacabka.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015