Komishinku wuxuu sii wadaa shaqada kala-soocidda ajandayaasha muhiimka ah ee lagu doonayo in lagu abuuro is-afgarad guud oo ku saabsan caqabadaha muddo dheer ka jiray Itoobiya

Addis Ababa, Xoorreey 1/2018 (ENA): Komishinka Wadatashiga Qaranka ee Itoobiya ayaa sheegay inuu dhammeystirayo hawsha kala-soocidda ajandayaasha loo baahan yahay in dalka uu ka yeesho is-faham guud, sida uu sheegay Komishineerka Guud ee Komishinka, Brof. Masfin Ar'aayaa.

Komishinku wuxuu sidoo kale bulshada caalamka u sharaxayaa shaqooyinka uu ilaa hadda qabtay iyo natiijooyinka uu gaaray.

Kulankan waxaa ka qayb-galay Komishinarrada wadashiga qaranka, danjireyaal, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee xaruntoodu tahay Addis Ababa, iyo marti lagu casuumay.

Brof. Masfin Ar'aayaa, ayaa sheegay in komishinku uu ka shaqeynayo sidii loo heli lahaa xal ku dhisan wadahadal, si loo xaqiijiyo nabad waarta, xasillooni iyo dimuqraadiyad dalka ka jirta.

Wuxuu intaas ku daray in komishinku wado hannaan furan oo qof walba codkiisa lagu maqli karo, isla markaana ku shaqeynaya habab madax-bannaan oo daahfuran, si shaqadu u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.

Sida uu sheegay, ajandayaasha lagu sheegay inay muhiim u yihiin abuurista is-afgarad guud oo ku saabsan dhibaatooyinka muddada dheer ahaa ee Itoobiya, ayaa hadda maraya heerkii ugu dambeeyay ee kala-soocidda iyo diyaarinta.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in dhismaha dowlad adag oo waxtar leh uu yahay jihada kale ee komishinku xoogga saarayo.

#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015