Itoobiya waxay sheegtay in horumarinta tamarta nukliyeerka ee nabadda ku saleysan ay qayb ka tahay dhismaha nidaam dhaqaale oo xooggan

Addis Ababa, Gudba 30/2018 (ENA): Sandhookaan Dhababa, Guddoomiyaha Tamarta Nukliyeerka ee Itoobiya, ayaa sheegay in dalka uu qaadayo tallaabooyin muhiim ah oo lagu dhisayo barnaamij nukliyeer oo nabadeed, hufan, lagu kalsoonaan karo, isla markaana u hoggaansan heerarka badqabka caalamiga ah.

Shirkii ugu horreeyay ee farsamada barnaamijka tamarta nukliyeerka ayaa maanta ka furmay, waxaana ka qeyb galay Komishineerka Komishinka Nukliyeerka ee Itoobiya Sandhookaan Dhababa, ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomiga (IAEA) Mikayl Judakof, iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday hay’adaha ay khuseyso.

Komishineerka ayaa sheegay in barnaamijka nukliyeerka ee Itoobiya uu yahay mashruuc qaran oo kor u qaadaya caafimaadka, beeraha, warshadaha, cilmiga iyo cilmi-baarista, isla markaana la jaanqaadaya himilada horumarineed ee shacabka iyo riyada Afrika ee isbeddelka.

Wuxuu xusay in horumarinta tamarta nukliyeerka loo fulin doono si masuuliyad leh oo hufan, lana waafajin doono heerarka badqabka caalamka, maadaama tamarta nukliyeerka ay muhiim u tahay daboolidda baahida koronto iyo taageeridda horumarka dhaqaale ee degdegga ah.


 

Ku-xigeenka Agaasimaha IAEA, Mikayl Judafo, ayaa tilmaamay in go’aanka Itoobiya ee ku aaddan horumarinta tamarta nukliyeerka uu yahay tallaabo muhiim ah oo u gogol xaaraysa mustaqbalka Afrika iyo bulshada caalamka, isla markaana kaalin weyn ka qaadan doonta horumar waara.

Hey’adda IAEA iyo bah-wadaagta kale ayaa xaqiijiyey inay sii xoojin doonaan iskaashiga si loo hubiyo badqabka, waarida iyo kalsoonida barnaamijka nukliyeerka ee Itoobiya.

Sandhookaan ayaa sidoo kale sheegay in mashruuca nukliyeerku uu fursad u yahay jiilka cusub ee khubarada nukliyeerka, injineerada, kormeerayaasha, cilmi-baarayaasha iyo dejiyeyaasha siyaasadda ee dalka, taas oo gacan ka geysan doonta dhismaha mustaqbal xooggan oo degan.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015