Itoobiya waxay hirgelinaysaa hawlo lagu yareynayo isbeddelka cimilada oo tusaale u ah waddamada kale

Addis Ababa; Gudba 21/2018 (ENA): Itoobiya waxay hirgelinaysaa hawlo lagu yareynayo isbeddelka cimilada iyo la qabsiga oo tusaale u ah waddamada kale, ayuu yiri Wakiilka IGAD ee Itoobiya, Ababaw Bishone.

Wareeggi saddexaad ee barnaamijka Abaalmarinta Warbaahinta ee Urur Goboleedka Horumarinta ee Bariga Afrika (IGAD) ayaa ka bilaabatay Addis Ababa.

Wakiilka IGAD ee Itoobiya, Ababaw Bishone, ayaa yiri; Abaalmarinta Saxaafadda ee IGAD ee 2025 T.Y waxaa lagu qaban doonaa barnaamijyo kala duwan.

Wuxuu sheegay in la qabanayo dood-cilmiyeedyo, is-weydaarsi khibradeed iyo barnaamijyo booqasho ah oo ku saabsan hawlaha ay waddammada gobolku ka wadaan isbeddelka cimilada.

Wuxuu sheegay in shaqada ay Itoobiya ka qabanayso yareynta iyo la qabsiga isbeddelka cimilada ay aad u dhiirigelinayso oo ay tusaale wanaagsan u tahay waddamada kale.

Wuxuu sidoo kale xusay in tallaabooyinka guusha leh ee Itoobiya ay dhiirigelin doonaan waddamada gobolka iyo kuwa Afrika inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii looga jawaabi lahaa isbeddelka cimilada.

Wuxuu xusay in waddamada xubnaha ka ah IGAD ay tahay inay xoojiyaan iskaashigooda ku aaddan dhisidda awoodda si looga hortago saameynta isbeddelka cimilada ka hor.

Wuxuu sheegay in barnaamijka Abaalmarinta Saxaafadda, marka laga reebo tartanka, uu gacan ka geysan doono iftiiminta dhibaatooyinka adag iyo xalalka wax ku oolka ah ee wajahaya gobolka IGAD iyo qaaradda marka laga eego isbeddelka cimilada. 

Wuxuu sheegay in iyadoo la sii wado hawlahan iyo kuwa kale ee xoojinaya iskaashiga labada dhinac, dadaallada yareynta isbeddelka cimilada iyo la qabsiga Afrika waa in la xoojiyaa. 

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015