Golaha Wakiillada oo Ansixiyay bayaanka Wax-ka-beddelka Doorashada Itoobiya, Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda iyo Anshaxa Doorashada - ENA Af-Soomaali
Golaha Wakiillada oo Ansixiyay bayaanka Wax-ka-beddelka Doorashada Itoobiya, Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda iyo Anshaxa Doorashada
Addis Ababa; Gudba 25/2018 (ENA):Golaha Wakiillada Dadweynaha ayaa Ansixiyay Wax-ka-beddelka Doorashada Itoobiya, Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda iyo Anshaxa Doorashada.
Golaha Wakiillada Dadweynaha ayaa ansixiyay qoraallo qabyo ah oo kala duwan iyo heshiisyo amaah ah intii lagu jiray kalfadhigiisii saddexaad ee caadiga ahaa ee sannadkii shanaad ee uu shaqeynayay.
Qoraallo qabyo ah ee la ansixiyay, waxaa si aqlabiyad ah loo ansixiyay wax-ka-beddelka nidaamka Doorashada Itoobiya, Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda iyo Anshaxa Doorashada ee Lambarka 1162/2011.
Qoraalka qabyo ah ee wax-ka-beddelka ah ayaa la sheegay inuu wax ka qabanayo cabashooyinka ay soo gudbiyeen xisbiyada siyaasadda ee ku saabsan diiwaangelinta musharixiinta iyo abuurista jawi suurtogal ah oo loogu talagalay wareegga toddobaad ee doorashooyinka guud.
Dhanka kale, Golaha Wakiillada ayaa ka hadlay oo ansixiyay qabyo-qoraalka ku dhawaaqidda heshiiska amaahda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee hirgelinta barnaamijka si loo dedejiyo u gudubka helitaanka tamarta waarta oo nadiif ah.
Waxay sidoo kale ansixisay qabyo-qoraalka ku dhawaaqidda heshiiska amaahda dheeraadka ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee hirgelinta Mashruuca Isbeddelka Xirfadaha Bariga Afrika iyo Is-dhexgalka Gobolka.
Waxay u gudbisay qabyo-qoraalka ansixinta Heshiiska Iskaashiga Sharciga ee Labada Dhinac ee Arrimaha Dembiyada iyo Heshiiska ku saabsan iskusogudbinta danbiilayaasha laraadinaayoee Dowladda Itoobiya iyo Shiinaha Guddiga Joogtada ah ee Sharciga iyo Caddaaladda si loo eego faahfaahin dheeraad ah.
Sidoo kale, waxay qabyo-qoraalka logudbiyay Guddiga Joogtada ah ee Sharciga iyo Caddaaladda si faahfaahsan looga fiirsado,Heshiiska Kala-waregida dadyawga lagutuhunsanyahay inay danbyo galen ee u dhexeeya Itoobiya iyo Brazil iyo qabyo-qoraalka ansixinta Heshiiska Kala-waregida Dadka Loogu tuhnsnyaha Arrimaha Dembiyada ee u dhexeeya Dowladdaha Itoobiya iyo Koonfur Afrika .