Itoobiya waxay si cad ugu adkeysanaysaa xuquuqdeeda ay u leedahay isticmaalka Webiga Abaay

WAR-SAXAAFADEED

Hadallada soo noqnoqday ee mas’uuliyiinta Masar ee ay sida buuxda ugu diideen wada hadal, uguna hanjabayaan si dadban ama si toos ah, waxay muujinayaan fashilka dowladda Masar ee inay la qabsato xaqiiqooyinka qarniga 21-aad. Iyagoo wali ku dheggan fikirka gumeystaha, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Masar waxay u malaynayaan inay xuquuq gaar ah ku leeyihiin biyaha Niilka. Waxay ku celceliyaan heshiisyadii gumeysiga waxayna ku doodaan “xuquuq taariikheed”. Si ay u helaan dawladaha tabarta daran ee kala qeybsan ee fulin lahaa danaha Qaahira, mas’uuliyiinta Masar waxay wadaan olole lagu carqaladeynayo xasilloonida Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya. Hab-dhaqankan qaldan iyo dadaalkan waa mala-awaal iyo hoggaan la’aan. Waa waqtigii la dhammayn lahaa ciyaartan gabowday ee aan marnaba cabsi gelinayn Itoobiya.

Itoobiya waxay leedahay taariikh dheer oo sharaf leh oo ku saabsan Midnimo-Afrikanimo ( Pan-Afrikanism-ka) iyo taageeridda halgammada ka dhanka ah gumeystaha ee qaaradda oo dhan. Waa dal leh ilbaxnimo qadiimi ah oo leh taariikh dheer oo mideynta Afrika. Sidaas darteed, Itoobiya ma aqbasho raadadka gumeysiga ee Qaahira ay adag tahay inay ka tagto. Webiga Abaay oo ka soo farcama buuraha Itoobiya wuxuu bixiyaa ku dhawaad 86% biyaha Niilka. Biyo-dhaca Abaay wuxuu ka dhigan yahay 70% biyaha dusha sare ee dalka Itoobiya. Itoobiya, sida dalalka kale ee ku hareeraysan biyaha, waxay leedahay xuquuq ay ku isticmaasho kheyraadkeeda dabiiciga ah. Isticmaalka caddaaladda leh, macquulka ah iyo sinnaanta ku dhisan waa mabda’ muhiim u ah sharciga caalamiga ah ee khuseeya arrintan. Itoobiya qofna oggolaansho uma weydiisanayso inay ka faa’iidaysato kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulkeeda.

Diidmada Masar ee wada hadalka iyo gorgortanka hadda waxay noqotay mid cad. Horaan, Masar waxay iska dhigi jirtay inay wadahadal diyaar u tahay, iyadoo dhab ahaantii hor istaageysay horumar kasta oo xal ah, una adkeysaneysa sheegashadeeda keligii-lahaansho. Inay iska dhigto inay gorgortan rabto halka ay diidan tahay wadahadal dhab ah hadda si cad ayaa loo arkay. Masar waxay gabi ahaanba diiday wadahadal waxayna sii kordhisay hadalkeeda hanjabaada leh kaasoo leh ujeeddo ah inay abuurto xiisad cusub. Hab-dhaqankan masuuliyadd darada ah waa inuu cambaareeyaan dhammaan dhinacyada ay khuseeysaa.

Hammiga horumarineed ee Itoobiya iyo mashaariicda sida Mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) waa astaamo muujinaya isku-filnaanshaha Afrika iyo horumarkeeda. Masar waa inay barato inay la jaanqaaddo horumarka Itoobiya oo ay ku shaqeyso niyad wanaag iyadoo loo marayo hannaan iskaashi oo horseeda barwaaqo iyo horumar wadaag ah, taas oo ka wanaagsan hanjabaadaha iyo hadalada ay Qaahira wado. Dunida iyo Afrika waxa ay maanta u baahan yihiin waa iskaashi iyo wada hadal—ma aha iska hor imaad iyo colaad.

Itoobiya waxay si cad ugu adkeysanaysaa xuquuqdeeda ay u leedahay isticmaalka Webiga Abaay si ay u daboosho baahiyaha jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka. Waxa kale oo ay diyaar u tahay xalal guul-guul ah oo ku dhisan sinnaanta iyo caddaaladda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya

Xafiiska Afhayeenka

03 Diseembar 2025


 


 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015