hawlha goyinta iyo sooururita qamadiga ee gobalka Fafen ee Degaanka Soomaalida - ENA Af-Soomaali
hawlha goyinta iyo sooururita qamadiga ee gobalka Fafen ee Degaanka Soomaalida
Jigjiga, gudba 24/2018 ENA: – Dalagyada xilliga dayrta ee degmada Awbare ee gobolka Faafan ee dawlada deegaanka Soomaalida ayaa dalagyada kala duwan lagu goynayaa cagafta beeraha sida uu sheegay xafiiska beeraha ee degmada.
Deegaanka Soomaalida oo ah dhul Ku haboon waxsoosaarka beeraha iyo ilo badan oo biyo ah, ayaa muddo dheer aan looga fa'idaysan sidii la rabay iyada oo xoogga la saarayay dhaqashada xoolaha.
Tan iyo isbeddelkii dalka, kedib xoola dhaqatadu iyada oo dhaqanaya xoolaha, waxay bilaabeen waxsoosaarka beeraha si loo xaqiijiyo isku-filnaanshaha cuntada, waxaana laga soo hooyay horumar la taaban karo leh.
Dowladda deegaanka soomaalida xasiloonida ka taabagashay, waxay bulshada u suurtagelisay inay xoogga saaraan horumarka taas oo suurta gelisay in dhul ballaadhan lagu beero dalagyada kaladuwan.
Gobolka Faafan ayaa ka mid ah gobolada Ku haboon waxsoosaark beeraha
qamadiga kaasoo si ballaaran looga hirgeliyey waxsoosaarka beeraha.
Degmada Awaare ee gobolka faafan, ayaa dalagyada qamadiga ee xilliga dayrta, ayaa haatan si casri ah loo goynayaa waxsoosarka iyada oo la adeegsanayo cagafyada goynta iyo cududa xooga dadka.
Madaxa xafiiska beeraha ee degmada awbare mudane Iidle Muuse, ayaa u sheegay ENA in xilli beereedkii sanadkan degmada laga beeray dalagyada kala duwan ee Qamadiga,Galey, Heeda,Yaryaraha iyo dalagyo kale.
Waxa uu sheegay Xilli beereedka sanadka 2017/18, degmada laga beeray dalagyada kala duwan dhul dhan 115,121 oo hektar, waxa uu sheegay in dhulkan uu kamid yahay 82,150 hektar oo lagu beeray qamadi.
Waxa uu xusay in wax soosaarka sanadkan in laga filayo waxsoosaar ka badan 2 milyan iyo 500 oo kun oo kiintal isaga oo sheegay in beeraleyda la gaadhsiiyay abuurka tayada sare leh iyo agabkii kale ee beerah si kor loogu qaado wax-soo-saarka.
Waxaa kale oo uu sheegay in marka dalagyada dayrta la ururiyo, in meelaha biyaha leh xoogga la saari doono waxsoosaarka waraabka xilliga jiilaalka.