Xuska Maalinta Qowmiyadaha iyo shucubta itoobiya ayaa gacan weyn ka geystay xoojinta midnimada qaranka iyo hubinta horumar waara- mudane agayhu Teshager,

Debrebirhan; ​​​​ Gudba 24/2018 (ENA):Afhayeenka Aqalka Sare ee fedreshinka , mudane  agayhu  Teshager, ayaa shegay  in xuska  Maalinta Qowmiyadaha iyo shucuubtu uu gacan weyn ka geystay xoojinta midnimada qaranka iyo hubinta horumar waara.

Xuska  20-aad ee, Qowmiyadaha iyo shucuubta  Itoobiya ayaa si xamaasad leh loogu xusay degaanka  Amxaarada magaalada Debrebirhan.


 

Sida uu sheegay Afhayeenka Aqalka Saree e federshinka , mudane aganyhahu tashaager  , oo ka soo qayb galay xuska , Maalinta,Qowmiyadaha iyo shucubta ayaa yidhi  waa maalin ay dadka Itoobiya ku heshiiyeen inay wada noolaadaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maalintu ay tahay maalin ay quruumaha, qowmiyadaha iyo dadyowga si fagaare ah isugu soo baxaan oo ay muujiyaan dhaqankooda iyo qiyamkooda.

Sidaa darteed, wuxuu tilmaamay in isagoo aasaasaya nidaam federaal ah oo dhisi kara waddan xooggan, uu gacan weyn ka geystay xoojinta qarannimada iyo hubinta in dadku ay si wadajir ah ugu noolaadaan midnimo.

Wuxuu intaas ku daray in Maalinta Qowmiyadaha, iyo Dadyowga ay aasaaska u u tahay dhismaha caddaaladda, sinnaanta iyo dimuqraadiyadda.


 

Afhayeenka Golaha Deegaanka Amxaarada Marwo Fantu Tesfaye ayaa sheegtay in munaasibada loga dabaaldagaayo  degaanadu ay tahay mid xojinaysa  midnimada qaranka iyada oo loo marayo waxbarasho, adeeg iskaa wax u qabso ah, iyo xiriirka dadweynaha.

Waxana y shegtay  in xuska maalinta uu leeyahay sharci iyo dastuuri ah; wuxuu sheegay inay abuurtay fursad ay dadku u isticmaalaan, dhaqankooda iyo qiyamkooda si ay u dhisaan mustaqbal wadajir ah.

Waxana ay intaaaa kudartay xuska  sanadkan  in yahay mid kaduwan kuwii hore sababtoo ah waxaan  soo beegmayaa xilli la dhammeeyay Biyo-xireenka Weyn ee Abayi  oo aan siwadjira ah u dismay  iyo mashaariic kale oo waaweyn oo dalka ka faa'iidaysta la qorsheeyay oo la hirgeliyay.

Waxaa la shaaciyay in munaasibada xuska maalinta qomiyada iyo shucubta ee 20 naad sanadkan lagu qabanaayo  Hosanna, Bartamaha Itoobiya,  hidaar 29, 2018.

#Hay'adda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015