Diiwaangelinta Xajka sannadka 2018 T.I ayaa si rasmi ah u Bilaabmay.

Addis Ababa; Gudba 22/2018 (ENA):-Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in diiwaangelinta Xajka sannadka 2018 T.I ay ka bilaabatay dhammaan goobaha la iska diiwaangeliyo laga bilaabo Gudba 22/2018 T.I.


 

Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya ayaa soo saaray bayaan ku saabsan bilowga diiwaangelinta Xajka 2018 T.I.

Sheekh Cabdulkarim Bedredin, Madaxweyne ku xigeenka Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya, ayaa sheegay in diiwaangelinta la fulin doono iyadoo la kaashanayo tignoolajiyada casriga ah.

Wuxuu sheegay in dhammaan kuwa buuxiya shuruudaha xajka ay tahay inay iska diiwaangeliyaan laga bilaabo maanta ilaa Dharabley 18, 2018 T.I.

#Ethiopian_News_Agency

#ENA

#WWI

Wakaalada Warka Itoobiya
2015