Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) oo kulan la yeeshay Madaxweynaha cusub ee Bangiga Horumarinta Afrika, Dr. Sidi Ould Tah

Addis Ababa, Gudba 1/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu bartiisa baraha bulshada ku sheegay in ay kulmeen isla markaana ay ka wada hadleen arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga, isagoo sheegay in kulanka diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee bangigu ka ciyaaro horumarinta waarta ee qaaradda Afrika.

Wuxuu intaas ku daray in wada hadalkoodu uu xoogga saaray sidii loo adkeyn lahaa kaalinta bangigu ugu jiro taageerada horumar ballaaran oo loo wada dhanyahay.

#WWI  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015