Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha IMF - ENA Af-Soomaali
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha IMF
Addis Ababa, Gudba 13/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (Dr.) ayaa maanta magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika, oo uu ka socdo shirka hoggaamiyeyaasha G-20, kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha IMF Kristalina Georgiefa.
Shirka hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah G-20 ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Johannesburg.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu bartiisa baraha bulshada ku sheegay in uu Madaxweynaha IMF kala hadlay caqabadaha dhaqaalaha aduunka, dib-u-habeynta dhaqaalaha Itoobiya, iyo fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga labada dhinac si loo taageero horumar waara oo loo dhan yahay.
Wuxuuna ugu dambayn, IMF uga mahadceliyay wadashaqeyntooda joogtada ah, isla markaana uu diyaar u yahay in la dardargeliyo howlaha labada dhinac ay si wadajir ah u wadaan.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya