Shirka Hoggaamiyeyaasha G-20 ayaa ka furmay Koonfur Afrika

Addis Ababa, Gudba 13/2018 (ENA): Shirka hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah G-20 ayaa maanta ka furmay magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika.

“Midnimo, Sinnaan iyo Waarid” ayaa ah hal-ku-dhegga shirkan oo markii ugu horreysay Afrika lagu qabto.

Furitaanka waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Koonfur Afrika Syril Ramafoosaa, oo ah guddoomiyaha G-20 ee waqtigan, iyo hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (Dr.) ayaa sidoo kale ka qaybgalaya shirka.

Shirkan sanadkan wuxuu xoogga saarayaa koboc dhaqaale oo loo dhan yahay oo waara.

Inta lagu guda jiro shirka waxaa lagu gorfeeynayaa maalgelinta horumarinta, maaraynta deynta caalamiga ah iyo hubinta in dhamaan dalalka xubnaha ahi si siman uga faa’iidaystaan.

Waxaa la sheegay in hoggaamiyeyaashu ay cadaadis saarayaan in dib-u-habeyn lagu sameeyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, iyagoo sidoo kale diiradda saaraya horumarinta ganacsiga iyo xaqiijinta in faa’iidada koboca dhaqaalaha si caddaalad loo qaybsado.

Shirku wuxuu sidoo kale xoogga saaraya la dagaalanka isbeddelka cimilada, xaqiijinta isku-dhafka tamarta ee caddaaladda ku dhisan, iyo dhismaha nidaamyo adag oo wax-soosaarka cuntada ah si dunidu uga badbaado dhibaatooyinka soo food leh.

Waxyaabaha kale ee jadwalka ka midka ah waxaa ka mid ah suurtogalnimada hal-abuurka, maaraynta xogta, maareynta macdanta qaaliga ah iyo hubinta in bulshada ay si caddaalad ah uga faa’iidaystaan kheyraadka jira.

Waxaa sidoo kale jiri doona wadahadal ku saabsan sida teknoolojiyada iyo kheyraadka loogu adeegsan karo si hufan oo kor loogu qaado horumarka waara gaar ahaan dalalka Koonfurta Dunida iyo kuwa Afrika.

Shirka G20 wuxuu soconayaa ilaa berrito.

#WWI  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015