Maamulka magaalada ayaa sheegay inuu fulinayo hawlo si toos ah u anfaca dadka magaalada - ENA Af-Soomaali
Maamulka magaalada ayaa sheegay inuu fulinayo hawlo si toos ah u anfaca dadka magaalada
Addis Ababa, Gudba 13/2018 (ENA): Duqa Maamulka Magaalada Addis Ababa, Adhaanej Abebe, ayaa sheegtay in maamulka magaalada uu fulinayo hawlo loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan dadka magaalada, taas oo qayb ka ah ballanqaadkii maamulka.
Adhaanej Abebe waxay maanta furitaanka ku wareejisay guryaha wadajirka ah ee laga dhisay Nifaas Silk Laafto, gaar ahaan aagga kala wareega Jarmalka, iyo kuwa kale ee laga dhisay Kolfe Qaraaniyo, Giraar iyo Ayar Teenaa.
Waxay sheegtay in guryahan oo dhan 1,287 ay yihiin kuwo casri ah, lana dhisay 24 dhismo oo lagu dhammeeyay sagaal bilood gudahood si dhakhso ah oo tayo leh.
Maamulka magaalada ayaa sheegay in mashruuca uu ka caawiyay kumannaan qof inay noqdaan milkiilayaal guryo, isla markaana magaalada loogu beddelayo meel raaxo leh oo qurux badan oo ku habboon nolosha dadka deggan.
Waxay tilmaantay in shaqooyin badan laga hayo horumarinta magaalada si loo daboolo baahiyaha shacabka, iyadoo la adeegsanayo habab kala duwan oo lagu dhimi karo farqiga u dhexeeya guryaha la heli karo iyo baahida jirta.
Waxa lagu sheegay in dadka degan guryaha loogu sahliyay inay ku helaan siyaabo kala duwan sida maalgelinta gaarka loo leeyahay, kiro, iskaashi, iyo habab ay wadajir u maamulaan dowladda iyo qaybta gaarka loo leeyahay.
Tan iyo isbeddelladii dalka ka dambeeyay, in ka badan 380,000 oo guri ayaa la dhisay. Maamulka ayaa ku baaqay in lala shaqeeyo maalgeliyeyaasha gaarka ah si loo daboolo baahida sii kordheysa ee guryaha.
Waxay intaas ku dartay in maamulka magaalada uu daba-gal ku samaynayo baahiyaha dadka si loo hubiyo in bulshadu ay helaan adeegyada iyo kaabayaasha ay mudan yihiin.
Madaxa Xafiiska Maamulka iyo Horumarinta Guryaha, Qidist Woldhegiyorgis, ayaa sheegtay in guryaha maanta la wareejiyay dhammaantood ay ka buuxaan dhammaan kaabayaasha lagama maarmaanka ah oo ku habboon in lagu noolaado.
Waxaa la sheegay in dhismayaasha laga dhisay kalawareega Jarmalka ay ka kooban yihiin laba dabaq oo dhulka hoostiisa ah iyo 15 dabaq oo kore.
Waxay sidoo kale sheegeen in la dhammeeyay goobaha nasashada, jardiinooyinka cagaaran, meelaha baabuurta la dhigto iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya