Itoobiya waxay dhiseysaa Akaadeemiyada Tareennada - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxay dhiseysaa Akaadeemiyada Tareennada
Addis Ababa, Gudba 13/2018 (ENA): Itoobiya waxay qorsheyneysaa inay dhisto akaadeemiyada tareennada oo noqon doonta mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan Bariga Afrika. Akaadeemiyadan waxaa laga dhisayaa magaalada Bishoftu, gaar ahaan degmada Kilole, waxayna ku fidhin doontaa dhul dhan 62 hektar.
Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka Alemu Sime (Dr.) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tareenka Dhulka ee Itoobiya Injineer Hilina Belajew ayaa dhagax dhiggay mashruucan.
Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka Alemu Sime ayaa sheegay in, marka lagu daro ballaarinta kaabayaasha casriga ah ee tareennada ee xiriirin doona dalalka deriska ah, dowladda ay si xooggan u hirgalinayso istaraatiijiyadda wareejinta teknoolojiyadda si warshaddaha looga yareeyo ku tiirsanaanta dibadda.
Waxay sheegeen in xoogga la saarayo diyaarinta khubaro iyo shaqaale xirfad sare leh oo dabooli kara baahida warshadda tareennada.
Akaadeemiyadan marka la dhiso waxay door ka qaadan doontaa kordhinta wax-soosaarka iyo heerka adeegga warshadda tareennada. Sidoo kale waxay noqoneysaa il dakhli oo u soo jiidi doonta lacagta qalaad iyadoo tababaro loo fidinayo dalalka dariska ah.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tareenka Dhulka Inj. Hilina Belaajew ayaa dhinaciisa sheegay in gaadiidka tareennadu uu door weyn ka qaadan doono kor u qaadista dakhliga iyo yaraynta kharashaadka.
Marka uu mashruucu dhammaado, akaadeemiyadu waxay noqoneysaa xarun waxbarasho oo kor u qaadda diblomaasiyadda waxbarashada ee dalka.
Duqa magaalada Bishoftu, Alamaayehu Asafaa, ayaa sheegay in akaadeemiyadu ay u noqon doonto barwaaqo iyo fursad cusub oo dalxiis magaalada u soo jiida. Waxa kale oo uu xusay in maamulka magaalada uu gacan buuxda ka geysan doono sidii mashruuca loogu dhammeyn lahaa waqtigiisa.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya