Waxaa lagu qabtay magaalada Godey Xuska maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta Itoobiya oo markii 20aad la maamuusayo - ENA Af-Soomaali
Waxaa lagu qabtay magaalada Godey Xuska maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta Itoobiya oo markii 20aad la maamuusayo
Addis Ababa, Gudba 13/2018 (ENA): Xuskan qowmiyadaha oo la xuso sanadka kasta Bisha Gudba ayaa ah mid ku astaysan helitaanka qawmiyaduhu ay heleen xuquuqahooda gaar ahaaneed sida luuqadda, dhaqanka iyo deegaankooda ugaarka ah iyo sidoo kale in la muujiyo wadanoolaanshaha iyo isdhexgalka bulshada ree Itoobiya.
Kulankan ayaa waxaa shacabka kala soo qaybgalay gudoomiyaha gobolka Shabeelle Mudane Cabdi Faarax iyo Mudane Axmed Maxamed kusimaha Duqa Magaalada Godey.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya