Shirka G-20 iyo weftiga Dr. Abiy Axmed - ENA Af-Soomaali
Shirka G-20 iyo weftiga Dr. Abiy Axmed
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (Dr.) ayaa ka qeyb galay shir ka dhacay magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika, kaas oo lagu qabtay arrimaha madax-bannaanida ummadaha Afrika iyo madax-bannaanida dowladnimada.
Shirku sidoo kale wuxuu qayb ka ahaa kulanka Midowga Afrika iyo dalalka saaxiibada la ah Afrika. Sida ay sheegeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kulankan waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Syril Ramapfoosaa, waxaana lagu qabtay ka hor shir-madaxeedka G20.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya