Ururka Horumarinta Soomaalida oo kaashanaya Mac'hadka Casriyeynta Beeraha (ATI ) ayaa 60 qoys oo ka mid ah barakacayaasha magaalada Hargeelle ku wareejiyay 240 neef oo adhi ah - ENA Af-Soomaali
Ururka Horumarinta Soomaalida oo kaashanaya Mac'hadka Casriyeynta Beeraha (ATI ) ayaa 60 qoys oo ka mid ah barakacayaasha magaalada Hargeelle ku wareejiyay 240 neef oo adhi ah
Addis Ababa; Gudba 12/2018 (ENA): Mashruucan oo kor loogu qaadayo noolasha barakacayaasha shaqo-abuurna loogu samaynayo si ay uga baxaan kutiirsanaanta deeqaha shisheeye iskana kaashadeen Ururka Horumarinta Soomaalida iyo Mac'hadka Casriyeynta Beeraha ee loo soo gaabiyo (ATI) ayaa barakacayaasha magaalada Hargeelle loogu talo'galay in ay mashruucan HDP-ga ka faa'iidaystaan 1,072 qoys, waxaana wajigan koowaad oo dhan 60 qoys la gaadhsiiyay 240 neef oo adhi ah oo loogu talagalay in ay ku bilaabaan ganacsi noloshooda wax ka badala sida ay sheegeen isku duwaha Ururka Horumarinta Soomaalida ee gobolka Afdheer iyo hogaanka nabadgalyada degmada Hargeelle ahna kusimaha gudoomiyaha degmada.
Dhankooda, barakacayaasha ka faa'iidaysanaya wajiga koowaad ee mashruucan ayaa soo dhaweeyay taageerada ay heleen iyagoona uga mahadceliyay cidkasta oo qayb ka ah barnaamijkan lagu taageerayo bulshada ay saameeyeen abaaruhu ee barakacayaasha ah.
#wakaaladda_wararka_itoobiya
#ENA