Shirkii saddexaad ee Abaalmarinta Warbaahinta IGAD ayaa lagu qaban doonaa Addis Ababa 20 iyo 21-ka Gudba 2018

Addis Ababa, Gudba 12/2018 (ENA): Waxaa la xaqiijiyay in Abaalmarinta Warbaahinta ee Urur-gobaleedka Iskaashiga Horumarinta Dawladaha Bariga Afrika (IGAD) ee sanadkan lagu qabanayo Addis Ababa 20 iyo 21-ka Gudba 2018.

Abaalmarintan oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Dowladda Itoobiya iyo IGAD, waxaa lagu maamuusi doonaa suxufiyiinta iyo xirfadlayaasha warbaahinta ee soo saaray waxqabad tayo sare leh, gaar ahaan kuwa ka hadla dadaallada la xiriira la dagaallanka isbeddelka cimilada.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Danjire Nabiyaat Geetaajaw iyo Wakiilka IGAD ee Itoobiya Abebaw Bihoneny ayaa si wadajir ah u shaaciyay qorshaha qabanqaabada.

Danjire Nabiyaat Geetaajaw wuxuu sheegay in Barnaamijka Raadka Cagaaran ee Itoobiya, oo uu curiyay Raiisul Wasaare Abiy Ahmed, uu yahay ajende horumarineed oo casri ah, isla markaana uu kaalin weyn ku leeyahay la dagaallanka isbeddelka cimilada. Wuxuu intaas ku daray in COP-30 lagu doortay Itoobiya inay martigeliso COP-32.

Waxaa sidoo kale la sheegay in martigelinta abaalmarintan ay caddeyn u tahay guulaha Itoobiya ka gaadhay dhismaha dhaqaalaha cagaaran.

IGAD waxay sheegtay in tartanka abaalmarinta ay ka qayb geli doonaan xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socda dalalka xubnaha ka ah IGAD. Qabanqaabiyeyaashu waxay xaqiijiyeen in Abaalmarintu ku tartami doonto siddeed qaybood, oo ay ku jiraan telefishanka, raadiyaha, daabacaadda, warbaahinta dijitaalka ah iyo qeybta suxufiyiinta haweenka.

Waxaa sidoo kale la xusay in ilaa 400 oo xirfadlayaal ka socda dalalka IGAD ay soo gudbiyeen shaqooyinkooda, kuwaas oo 94 ka mid ahi yihiin suxufiyiin Itoobiyaan ah.

Ujeeddada abaalmarinta ayaa lagu sheegay inay kor u qaaddo doorka warbaahintu ku leedahay hirgelinta horumarka waxtarka leh iyo dhiirrigelinta suxufinimo tayo leh.

#WWI  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015