Itoobiya ayaa loo doortay inay martigeliso COP-32, taasi cadaynaysa dadaalka ay Itoobiua ka wado isbedelka cimilada

Addis Ababa, Gudba 12/2018 (ENA): Doorashada Itoobiya loogu doortay inay martigeliso shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP-32) waxay caddeyn u tahay sida ay dalka uga go’an tahay hirgelinta siyaasadda iyo istaraatiijiyadda la dagaallanka isbeddelka cimilada, sida uu sheegay Dr. Adefris Worku, oo ah isku duwaha guddiga farsamada ee Barnaamijka Raadka Cagaaran ee Qaranka.

Waxa uu xusay in guulaha barnaamijka Raadka Cagaaran ay door muuqda ka qaateen dhisidda dhaqaalaha cagaaran ee aan waxyeellayn cimilada. Barnaamijkan oo la bilaabay 2011 T.I., fikraddiisana uu lahaa Raiisul Wasaaraha Abiy Axmed, wuxuu gacan weyn ka geystay ilaalinta deegaanka iyo badbaadinta dhulka.

Itoobiya ayaa waxaa rasmiyan loogu doortay inay martigeliso COP-32 intii lagu guda jiray shirka COP-30 ee ka dhacay Belem, Braasiil. Dr. Adefris wuxuu sheegay in Itoobiya ilaa hadda beertey in ka badan 48 bilyan oo geed, taas oo keentay in caalamku aqoonsado dadaalkeeda kobcinta cagaaran.

Guulahaas ayaa qayb weyn ka qaatay in Itoobiya loo doorto martigelinta COP-32. Shirku wuxuu noqon doonaa goob ay isugu yimaaddaan madaxda dalal badan iyo hay’adaha caalamiga ah, si ay u yeeshaan wadahadallo iyo go’aan qaadasho. Taas ayaa Itoobiya u noqonaysa fursad ay ku wadaagto khibraddeeda iyo khibradda ay u leedahay martigelinta shirarka waaweyn.

Waxaa la sheegay in dalalka u tartamaya martigelinta shirka lagu qiimeeyo heerka ay gaarsiiyeen dhaqaalaha cagaaran, kaabeyaasha aasaasiga ah, iyo guulaha la taaban karo ee ay soo bandhigeen. Dadaallada Itoobiya ee la xiriira tillaabooyinka cagaaran iyo fulinta siyaasadda cimilada ayaa ka dhigay codsigeeda mid si degdeg ah loo aqbalay.

Sidoo kale, khibradda Itoobiya u leedahay martigelinta shirarka caalamiga ah, oo ay ku jirto shirkii Afrika ee isbeddelka cimilada, ayaa ahayd sabab kale oo muhiim ah. Waxaa sidoo kale lagu xusay in qorshayaasha horumarineed ee Itoobiya ee la jaanqaadaya heshiiska Paris ay caalamka ka heleen ixtiraam iyo aqoonsi.

Guulaha barnaamijka Raadka Cagaaran ayaa sidoo kale lagu sheegay inay gacan ka qaadanayaan ilaalinta deegaanka, sugidda amniga cunnada, abuurista fursado shaqo iyo taageeridda koboca dhaqaalaha.

Itoobiya waxay sidoo kale xoogga saartay in 2050 ay yeelato dhaqaale gebi ahaanba ka madax bannaan sii-deynta kaarboonka, taas oo qayb ka ah dadaallada dhisidda dhaqaale cagaaran oo aan waxyeellayn deegaanka.

#WWI  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015