Dhismayaasha cusubi ee isbitaalada ayaa noqonaya kuwo si buuxda uga jawaaba baahida shacabka – Adhaanej Abebe - ENA Af-Soomaali
Dhismayaasha cusubi ee isbitaalada ayaa noqonaya kuwo si buuxda uga jawaaba baahida shacabka – Adhaanej Abebe
Addis Ababa, Gudba 12/2018 (ENA): Duqa Maamulka Magaalad Addis Ababa Adhaanej Abebe ayaa sheegtay in saddexda isbitaal ee cusub ee hadda dhismaha ku socda caasimadda ay bixin doonaan adeeg caafimaad oo ka jawaaba baahida bulshada, isla markaana ay noqon doonaan xarumo casri ah oo heer sare ah marka ay shaqada bilaabaan.
Adhaanej ayaa subaxnimadii maanta kormeer ku sameysay guud ahaan marxaladda dhismaha ee saddexdan isbitaal, kuwaas oo qeyb ka ah howlaha loogu adeegayo shacabka.
Isbitaalada ayaa lagu dhisayaa si ay u bixiyaan adeeg ka tayo sarreeya kii hore, waxana lagu sheegay inay marayaan heer gebogebo ah.
Saddexdan isbitaal waxay ku yaalliin Aqaaqi Qaaliti, Nifaas Silk Laafto iyo Kolfe Qaraniyo.
Isbitaalada cusub waxaa laga dhisayaa meelihii hore aan isbitaalka u lahayn, taas oo kordhinaysa helitaanka adeeg caafimaad oo siman, sidoo kalena waxay u adeegi doonaan bukaannada ka imanaya guud ahaan Itoobiya.
Isbitaalada ayaa yeelanaya guud ahaan 1,500 sariirood. Dhismuhu wuxuu hadda marayaa heer dhammaad ah, halka tallaabada xigta ay tahay in la geeyo qalabka caafimaad ee casriga ah.
Isbitaalada cusub waxay dabooli doonaa baahida shacabka ee adeega caafimaadka, waxay sidoo kale kaalin ka qaadan doonaan in magaalada loo sii hormariyo sidii xarun dalxiis caafimaad.
Maamulka magaalada ayaa intaas ku daray in, marka laga soo tago dhismaha isbitaalada cusub, sidoo kale la ballaarinayo isbitaalada Minilik, Ras Dhasta iyo Sewditu, kuwaas oo qaarkood shaqadooda ballaarintu hore u soo dhammaatay, sida isbitaalka Sewditu oo shaqada bilaabay.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya