Midowga Afrika iyo Itoobiya waxay xoojinayaan iskaashiga ay ka leeyihiin arrimaha amniga iyo kuwa gobolka - ENA Af-Soomaali
Midowga Afrika iyo Itoobiya waxay xoojinayaan iskaashiga ay ka leeyihiin arrimaha amniga iyo kuwa gobolka
Addis Ababa, Gudba 11/2018 (ENA): Waxaa la sheegay in Midowga Afrika iyo Itoobiya ay ka shaqeynayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ay ku leeyihiin arrimaha amniga iyo kuwa qaarada.
Guddoomiyaha Komishinka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Gedhiyoon Timootiyoos, halkaas oo ay kaga wada hadleen arrimaha muhiimka ah ee qaarada.
Labada mas’uul ayaa ka hadlay xaaladda isbedbedelka badan ee gobolka, doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika ku leeyahay ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, ka jawaabidda xaaladaha bini’aadannimo iyo horumarinta waarta.
Waxay muujiyeen welwelka xooggan ee ay ka qabaan xaaladda sii xumaanaysa ee Suudaan, iyagoo adkeeyay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo gaaro heshiis xabbad joojin ah.
Arrinta Koonfurta Suudaan, waxay ku booriyeen dhammaan dhinacyada Koonfurta Suudaan inay ixtiraamaan heshiiskii nabadeed ee dib loo cusboonaysiiyay ee la kala saxiixday 2018T.Y., isla markaana ay ka shaqeeyaan xasilloonida siyaasadeed.
Waxay sidoo kale ka wada hadleen xaaladda hadda taagan ee gobolka Saaxil.
Xogta ay WWI ka helayso Midowga Afrika, labada dhinac waxay isku raaceen in dalalka uu ku dhacay afgambiyada ay sameeyaan khariidado cad oo lagu soo celinayo nidaamka dastuuriga ah si degdeg ah.
Intii wadahadalku socday, waxaa kale oo la xaqiijiyay in Midowga Afrika iyo Itoobiya ay sii wadi doonaan xoojinta iskaashiga ay ku leeyihiin arrimaha amniga iyo kuwa qaarada.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya