Faafida Fayraska Marburg iyo Siyaabaha lagaga Hortaggo

📌 Waa maxay cudurka Marburg?

Fayraska Marburg waa cudur dhiig-bax iyo qandho keena, oo qaabka cudurka safmarka ah u faafa.

Waxay saameyn kartaa dadka iyo xayawaanka labadaba.

📌 Calaamadaha cudurka Marburg waa maxay?

Dhiig ka yimaada afka, sanka, ama hoosta maqaarka.

Qandho sare, daciifnimo, madax xanuun.

Xanuun laabta iyo dhabarka.

Matag, xanuun caloosha ah, iyo shuban.

Finin dhiig leh oo ka muuqda dhabarka, laabta, iyo caloosha.

Calaamadaha cudurka waxay ka muuqan karaan 2 ilaa 9 maalmood kadib infekshanka.

📌 Sidee fayrasku u faafaa?

Taabashada tooska ah ee dhiigga, kaadida, dhididka, iyo dheecaannada kale ee qof qaba fayraska.

Taabashada dhar, gogol, ama shay uu taabtay qof cudurka qaba ama u dhintay.

Fiidmeerta oo fayraska gudbiya dadka.

📌 Sidee cudurka Marburg looga hortagi karaa?

Haddii calaamadaha kor ku xusan muuqdaan, u tag xarunta caafimaadka ee kuugu dhow.

Ka fogow taabashada dadka cudurka qaba ee qandhada ama dhiiga leh.

Qabashada meydadka waa in loo sameeyaa si xirfad leh, iyadoo la raacayo habraacyada caafimaadka.

Ka ilaalinta nafta taabashada dhiigga iyo dheecaannada dadka cudurka qaba.

Isticmaalka agabka difaaca sida maaskarada afka iyo gacmo-gashi marka la daryeelayo bukaanka.

Gacmaha si wanaagsan ugu dhaq saabuun iyo biyo, ama alkoolka lagu nadiifiyo .

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015