Ra'iisul Wasaaraha Federaalka Malayshiya Dato Seri Anwar Bin Ibraahim ayaa soo gabagabeeyay booqashadiisii rasmiga ahayd ee Itoobiya uu ku joogay, isaga oo dib ugu laabtay dalkiisa - ENA Af-Soomaali
Ra'iisul Wasaaraha Federaalka Malayshiya Dato Seri Anwar Bin Ibraahim ayaa soo gabagabeeyay booqashadiisii rasmiga ahayd ee Itoobiya uu ku joogay, isaga oo dib ugu laabtay dalkiisa
Addis Ababa, Hidaar 11/2018 (ENA): Raiisul Wasaaraha Malayshiya Dato Seri Anwar Bin Ibraahim ayaa soo afjaray booqashadii shaqo ee rasmiga ahayd ee uu ku joogay Itoobiya, wuxuuna dib ugu noqday dalkiisa.
Markii uu dib ugu laabanayay dalkiisa, waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole si heer sare ah ugu sii sagootiyey Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Tamasgan Tirunah.
Intii uu ku sugnaa Addis Ababa, Dato Seri Anwar Bin Ibraahim wuxuu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (Dr.) wadahadallo ku saabsan xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal.
Labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga, gaar ahaan dalxiiska, adeegyada duulimaadka iyo caafimaadka.
Heshiiska waxaa sidoo kale lagu daray qorshe lagu dhisayo iskaashi u dhexeeya magaalada Kuala Lumpur iyo Addis Ababa, si loo hormariyo wax wada qabsi labada dhinac ah.
Intii uu Itoobiya joogay, Raiisul Wasaaraha Malayshiya wuxuu booqday Matxafka Xuska Guusha Adhwa.
Sidoo kale wuxuu ka qaybgalay Madasha Ganacsiga ee Sare ee Itoobiya–Malayshiya oo ka dhacday Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis, halkaas oo uu Madaxweynaha Itoobiya Taaye Asqasilaase kasoo qaybgalay.
Dato Seri Anwar Bin Ibraahim ayaa sheegay in booqashadiisu ay muhiim u noqotay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo kobcinta iskaashiga dhaqaale ee labada dal.
Ra'iisul Wasaaraha Malaysia Dato Seri Anwar Bin Ibraahim wuxuu si rasmi ah u soo gabagabeeyay safarkii uu Itoobiya ku sugnaa, wuxuuna dib ugu laabtay dalkiisa.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya