Waxaan sii xoojinaynaa helista xuquuqaha iyo tasiilaadka ay ciidanku mudan yihiin, kuwaas oo isbeddelka kaddib wax badan laga qabtay— Mustafe Muxumed

Addis Ababa, Gudba 8/2018 (ENA): Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed, ayaa saraakiisha Ciidanka Booliska DDS u furay tababar ku saabsan kor u qaadista garaadkooda aqooneed iyo la socoshada xaaladaha guud ee mandaqadda Geeska Afrika. 

Madaxweynuha ayaa furitaanka tababarka kaddib ciidanka ku amaanay dadaalka iyo juhdiga ay u hurayaan xasilloonida bulshada iyo sugidda amniga, taas oo aan iyaga la’aantood suurtoowdeen.

Tababarkani wuxuu qayb ka yahay tababarro guud oo ay qaadanayaan hay’adaha amniga ee dalka iyo kuwa deegaannaduba.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015