Guddiga sare ee horumarinta wax soo saarka warshadaha Deegaanka Soomaalida ayaa iskugu yimid shir looga hadlayay arrimaha horumarinta warshadaha deegaanka - ENA Af-Soomaali
Guddiga sare ee horumarinta wax soo saarka warshadaha Deegaanka Soomaalida ayaa iskugu yimid shir looga hadlayay arrimaha horumarinta warshadaha deegaanka
Addis Ababa, Gudba 8/2018 (ENA): Kulankan oo ay shir-guddoominaysay Madaxa Xafiiska Arrimaha Haweenka & Carruurta Deegaankaas Marwo Xaliimo Xasan oo ah guddoomiyaha guud ee guddiga sare ee hagista Warshada Deegaanka ayay ujeeddadiisu ahayd in lasoo bandhigo kaalinta muhiimka ah ee xafiisyada bahwadaagta ahi ka qaadan karaan horumarinta warshadaha iyo sidii loo xoojin lahaa nidaamka wadashaqayneed.
Xaliimo Xasan ayaa cadaysay muhiimadda ay leedahay wadashaqaynta joogtada ah ee xafiisyada bahwadaagta ah, waxayna xustay in warshadayntu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee koboca dhaqaale iyo shaqo-abuurka deegaanka.
Dhankiisa, Madaxa Xafiiska Maalgalinta & Warshadaha Deegaankaas Mudane Axmed Rashiid ayaa intii lagu guda jiray shirka si faahfaahsan u soo bandhigay dadaallada & qorshayaasha cadcad ee xafiisku ugu jiro dhanka horumarinta warshadaha intaasi kadibna waxaa si faahfaahsan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin.
Arrimahaas ayaa kala ah: Hirgelinta qorshaha horumarinta warshadaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa waxsoosaarka gudaha. Iskuxidhka xafiisyada bahwadaagta, si loo helo hannaan midaysan oo hagaya qorshayaasha warshadaynta Deegaanka. Taageerada warshadaha yaryar & kuwa dhexe, si loo abuuro jawi tartan iyo koboc dhaqaale. Kobcinta dakhliga deegaanka iyadoo la dhiirrigelinayo soo saaridda badeecooyin tayo leh. Shaqo-abuurka gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka oo ka mid ah kuwa mudnaanta ugu badan lasiinayo ee dhanka qorshaha warshadaynta.
Qorshahan horumarinta warshadaha Deegaanka Soomaalida ayaa ah mid kor loogu qaadayo waxsoosaarka warshadaha, si loo yareeyo ku tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno, mid lagu ballaadhinayo suuqyada gudaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga warshadaha isla markaana kor loogu qaadayo dakhliga deegaanka.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya