Golaha Maareynta Khatarta Masiibooyinka Deegaanka Soomaalida ayaa yeeshay Kulankoodii caadiga ahaa - ENA Af-Soomaali
Golaha Maareynta Khatarta Masiibooyinka Deegaanka Soomaalida ayaa yeeshay Kulankoodii caadiga ahaa
Addis Ababa, Gudba 1/2018 (ENA): Golaha Maareynta Khatarta Masiibooyinka Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo uu shir-guddoomiyay Madaxweyne Ku-xigeenka Deegaankaasi, Mudane Ibraahim Cusmaan. Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay masuuliyiinta xafiisyada xubnaha ka ah Golaha Maareynta Masiibooyinka Deegaanka.
Kulanka ayaa xoogga lagu saaray Dardar galinta Barnaamijka Isku-filnaanshaha heer deegaan, barnaamijkaas oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo isku-filnaansho dhanka damaanadda cuntada iyo in la yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka dibadda.
Intii uu kulanku socday, waxa si qoto dheer loo falanqeeyay istaraatiijiyadda hirgelinta, sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda iyo sidii loo dhisi lahaa awoodda deegaanka ee ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo masiibooyinka.
Ugu dambayn, kulanka waxaa lagu soo gabagabeeyay go’aanno lagu dardargelinayo fulinta barnaamijka.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya