Adeegga Hal-Goob ee Deegaanka Canfarta (Kooraa) ayaa shaqadii bilaabay - ENA Af-Soomaali
Adeegga Hal-Goob ee Deegaanka Canfarta (Kooraa) ayaa shaqadii bilaabay
Addis Ababa, Gudba 8/2018 (ENA): Adeegga hal-goob ee Mesob (Kooraa) ee Dawlad Deegaanka Canfarta ayaa si rasmi ah u shaqo bilaabay.
MadaxweynahaDeegaankaasi, Xaaji Awal Carbaa, ayaa xarigga ka jaray adeeggan cusub ee Mesob (Kooraa) oo bulshada u sahlaya in ay adeegyo kala duwan ku helaan hal meel.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qaybgalay Xaaji Awal Carbaa oo soo qabanqaabiyay, Wasiirka Magaalooyinka iyo Horumarinta Kaabayaasha Jaaltu Saani, Komishineerka Komishinka Adeega Bulshada Mekuriya Hayle (Dr), iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladda federaalka iyo tan deegaanka.
Adeegga hal-goob ee Mesob (Kooraa) waa xarun awood u leh in ay bulshada u fududeyso adeegyada kala duwan iyada oo loo marayo hababka dhijitaalka ah, si ay dadka ugu helaan adeegyada muhiimka ah hal meel oo kaliya.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya