Waxaan diyaar u nahay inaan taageerno maalgeshadayaasha doonaya inay ka shaqeeyaan qaybta macdanta – Inj. Habtamu Tagany

Addis Ababa, Gudba 8/2018 (ENA): Dowladda ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay ka faa'iideyso khayraadka dhanka macdanta ee dalka ku jira, isla markaana u beddesho horumar dhaqaale. Wasiirka Macdanta Inj. Habtamu Tagany ayaa sheegay in dowladda diyaar u tahay inay taageerto maalgashadayaasha doonaya inay ka shaqeeyaan qaybta macdanta.

Bandhigga afaraad ee caalamiga ah ee Macdanta iyo Teknolojiyadda (MINTEX Ethiopia 2025) oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Macdanta ayaa lagu qabtay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis intii u dhaxaysay 4–7 Gudba 2018 T.I. Waxaana maanta lagu qabtay munaasabad lagu bixiyay shahaadooyin iyo mahadcelin.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay ka caawiso maalgashadayaasha sidii loo hormarin lahaa khayraadka macdanta ee dalka looguna beddeli lahaa horumar muuqda. Waxa uu xusay in sannadadii la soo dhaafay la sameeyay isbeddello lagu xallinayo caqabadaha ka jiray qaybta macdanta.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dadaalka la geliyay warshadaha macdanta uu keenay in isbeddel lagu arko wacyigelinta khayraadka iyo maamulka mashaariicda. Intii uu socday bandhiggu, waxaa sidoo kale la soo bandhigay daraasado iyo cilmi-baarisyo la xiriira horumarinta qaybta macdanta.


 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in maadaama qaybta macdantu ay door muuqda ku leedahay kobaca dhaqaalaha dalka, dowladda ay diyaar u tahay inay taageerto maalgashadayaasha doonaya inay ku soo biiraan dadaalka lagu horumarinayo khayraadka dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay xiisaynayso inay wadashaqeyn la sameyso shirkadaha iyo maalgashadayaasha doonaya inay ka shaqeeyaan qaybta macdanta.

Gebagebadii munaasabadda ayaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin sharaf dhammaan hay’adihii iyo shirkadihii ka qayb qaatay guusha bandhigga.

Waxaa la ogyahay in bandhigga afaraad ee caalamiga ah ee Macdanta iyo Teknolojiyadda (MINTEX Ethiopia 2025) uu furay Ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Tamasgan Tiruneh.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015