Bandhigga mahadiska dhaqanka iyo xarunta is-kaashiga bulshada – Jafoora - ENA Af-Soomaali
Bandhigga mahadiska dhaqanka iyo xarunta is-kaashiga bulshada – Jafoora
Jafoora waa tusmo muuqata oo ka tarjumaysa aqoonta iyo farsamada dhaqameed ee Itoobiya, iyadoo la dhisay xilli aan mahadnimo casri ahi jirin.
Jafoora wuxuu ku yaal Deegaanka Bartamaha ee Itoobiya, gaar ahaan Gobolka Guraage, degmada Gumer, waxaana uu u dhexeeyaa laba tuulo. Erayga Jafoora wuxuu macnihiisu yahay
barkulan.
Waxaa la sheegaa in dadkii degganaa aagagga kala fog ay mararka qaar dhib ku qabaan in la maqlo qaylada qof u baahan gargaar. Sidaas darteed dadka ayaa isugu yimid oo aasaasay tuulo wada jir loogu noolaado, taasoo Jafoora noqotay.
Jafoora waa meel ka turjumaysa dhaqanka Guraage, waana goob dadka deegaanka u suurtagelisay nolol isku dhafan oo casri iyo mid dhaqanba leh. Dadka deegaanka ayaa si wada jir ah u adeegsada.
Xaaji Kamaal Axmed, oo ka mid ah dadka deegaanka, wuxuu sheegay in Jafoora ay tahay meel dhaqan ahaan iyo bulsho ahaanba lagu arko iskaashi dhab ah, dadka oo isu gurmanaya, is garab istaagaya, oo si midnimo leh u wada nool.
Jafoora waxay tusaale u tahay horumarinta deegaanka, quruxdiisa, nadaafaddiisa iyo hab nololeed casri ah, isla markaana waa qayb ka mid ah tusaalaha qorshaha horumarinta marinnada.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Jafoora ay tahay xarun adeegyo badan laga helo, meel lagu xalliyo khilaafaadka bulshada, laguna qabto dhaqannada facaweyn ee ay adeegsadaan odayaasha dhaqanka.
Jawaanash Tekli ayaa sheegay in Jafoora ay ka mid tahay hantida bulshada, isla markaana ay ku dadaalayaan inay si wacan u ilaaliyaan si loogu gudbiyo jiilalka soo socda.
Dadka Jafoora waxaa lagu yaqaannaa martisoor wanaagsan. Bulshadani waxay ku nool yihiin midnimo, is-ixtiraam, iyo is-fahanka ku dhisan dhaqanka deegaanka.
Abaraa Wandhimu, oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha Gobolka Gurage iyo Madaxa Xafiiska Beeraha ee gobolka, wuxuu tilmaamay in farsamada dhismaha iyo qaab dhismeedka ay awoowayaashood sameeyeen ay weli dadka ku abuurto qadarin, isla markaana ay dhiirigelisay jiilasha dambe.
Jafoora waxaa loo arkaa bilowga qorshaha horumarinta deegaanka si loo helo nolol ka wanaagsan oo dadka miyiga gaadha.
Maaddaama Jafoora uu ka dhashay mahandisada dhaqanka, haddana maanta wuxuu isugu jiraa bilic, nadaafad, dhismo qurux badan iyo nolol casri ah. Waxaana socda dadaallo lagu horumarinayo si uu u noqdo goob dalxiis oo soo jiidasho leh.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya