Australia waxay taageeri doontaa doorka Itoobiya ee ku saabsan amniga iyo horumarka – Danjire Beter Hantar

Addis Ababa, Gudba 7/2018 (ENA): Danjire Beter Hantar (Dr.) ayaa sheegay in Australia ay taageeri doonto doorka muhiimka ah ee Itoobiya ka ciyaarayso amniga iyo horumarka gobolka.

Waxaa uu sheegay in Australia ay leedahay rabitaan ah in ay Itoobiya la sameyso iskaashi cusub oo dhinacyo badan leh.

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Geeska Afrika uu yahay goob ay ka jiraan caqabado badan oo adag, isla markaana Itoobiya ay ka shaqeynayso amniga iyo horumarka gobolka si ay u yeelato door macne leh. Wuxuu caddeeyay in Australia ay taageereyso dadaalladan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu ballaaranayo, gaar ahaan dhinacyada dad-wadaag, ganacsi, maal-gelin iyo waxbarasho.

Danjiruhu wuxuu sheegay in Australia hadda si dhow ula shaqeynayso shacabka iyo dowladda Itoobiya si loo xoojiyo xiriirkooda laba geesoodka ah.

Isagoo ka hadlayay isbeddellada dhaqaalaha ee Itoobiya wado ayuu sheegay inuu aad uga helay, isla markaana uu rajo ka muujinayo in isbeddelladaasi kordhinayaan kalsoonida maalgashadayaasha iyo samaynta fursado cusub.


 

Sidoo kale, wuxuu xusay in Australia ay danaynayso inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay Itoobiya ee ku saabsan dalxiiska, macdanta iyo beeraha.

Danjiruhu wuxuu sheegay inuu aad ula dhacay isbeddelka magaalada Addis Ababa, taas oo uu ku tilmaamay calaamad muujinaysa horumarka Itoobiya.

Marka la eego arrimaha caalamiga ah, Danjire Hantar wuxuu sheegay in Australia ay taageerayso dib-u-habeynta nidaamka dhinacyada badan, isla markaana uu muhiim yahay in Afrika door muuqda ka ciyaarto go’aanada waaweyn ee caalamka.

Ugu dambayn wuxuu sheegay in Australia ay rabto inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarka.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015