Adeegga Xarunta Halgoob (Mesob) wuxuu bixinayaa adeeg tayo leh kaasoo meesha ka saaraya adeegyada liita— Tamasgan Tiruneh - ENA Af-Soomaali
Adeegga Xarunta Halgoob (Mesob) wuxuu bixinayaa adeeg tayo leh kaasoo meesha ka saaraya adeegyada liita— Tamasgan Tiruneh
Addis Ababa, Gudba 7/2018 (ENA): Ra'iisul Wasaare Kuxigeen Tamasgan Tiruneh ayaa sheegay in Adeegga Xarunta Halgoob (Mesob) uu door muuqda ka ciyaarayo bixinta adeeg tayo leh oo ka madax bannaan adeegyada liita ee horay uga jiray hay’adaha qaarkood.
RW Kuxigeen Tamasgan ayaa booqday xarunta adeegga halgoob ee Mesob ee magaalada Dhase, halkaas oo uu ka bilaabay kormeer shaqo. Intii uu goobta joogay ayuu sheegay in mid ka mid ah cabashooyinka bulshada ee meelo kala duwan ka soo yeeray uu ahaa in adeegyada la hagaajiyo oo la helo adeeg xor ka ah musuq iyo isdabamarin.
Wuxuu intaas ku daray in dowladdu ay hadda ku jirto hirgelinta Adeegga Xarunta Halgoob (Mesob) si looga cirib tiro adeeg bixinta liidata, loona helo adeeg tayo leh oo degdeg ah.
Waxaa uu ammaanay shacabka magaalada Dhase isagoo ku tilmaamay kuwo horumar doon ah, caddaalad u taagan, dood iyo wadahadal ku dhisan, isla markaana ku faana aqoonsigooda qaranimo.
Tamasgan Tirunah ayaa xusay in Dhase ay hayso wado horumar oo sarreeya, ayna muuqato dhaqdhaqaaqyo badan oo isbeddel keeni kara. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Adeegga Xarunta Halgoob (Mesob) uu leeyahay door muhiim ah oo ku aaddan adeegyada dhijitaalka ah ee magaalada.
Adeegga Xarunta Halgoob (Mesob) wuxuu isku keenayaa adeegyo kala duwan oo horay ugu kala baahnaa hay’adaha dawladda, si loogu beddelo adeeg dhijitaal ah oo degdeg ah oo yareeya wakhtiga, kharashka iyo daalka dadka. Waxa uu sheegay in xaruntani ay faa’iido weyn u leedahay bulshada.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xaruntu ay ka mid tahay isbeddellada lagu hormarinayo adeegga dadweynaha, isla markaana uu xoojinayo kalsoonida ka dhexeysa dowladda iyo shacabka.
Wuxuu ku boorriyay in adeegga xarunta la ballaariyo oo la xoojiyo. Dhanka kale wuxuu sheegay in mashruuca horumarinta marinnada magaalada la gaarsiin doono dhammaan xaafadaha.
Isagoo sii wata hadlka ayuu xusay in nadaafadda iyo bilicdu ay ka mid yihiin waxyaabaha magaalada Dhase lagu yaqaan, wuxuuna sheegay in dadka magaalada, gaar ahaan ganacsatada, laga filayo inay ku bixiyaan canshuuraha waqtigooda isla markaana ay ka qayb qaataan horumarinta magaalada.
Wuxuu ugu dambayn ugu baaqay bulshada in si firfircoon uga qayb qaataan horumarinta marinnada iyo horumarka Itoobiya guud ahaan. Wuxuu ku adkeeyay in nabadda iyo horumarku ay isgarab socdaan, sidaas darteedna bulshada looga baahan yahay inay ilaashato nabadda.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya