Itoobiya in ay hesho marin badeed ayaa noqotay mudnaanta gaarka ah ee dalka— Dr. Alamu Sime - ENA Af-Soomaali
Itoobiya in ay hesho marin badeed ayaa noqotay mudnaanta gaarka ah ee dalka— Dr. Alamu Sime
Addis Ababa, Gudba 7/2018 (ENA): Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka ayaa sheegay in helida marin badeed uu yahay arrin muhiim u ah maslaxadda qaranka iyo badbaadada mustaqbalka dalka.
Waxaa la xusuustaa in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, uu dhowaan hortagay Golaha Wakiillada Shacabka, isagoo sheegay in arrinta Badda Cas ay tahay arrin sharci, taariikh, juquraafi iyo dhaqaale ku saleysan.
Waxaa sidoo kale la tilmaamay in Itoobiya, marka loo eego tirada dadka ay leedahay, ay leedahay waddo sharci iyo mid nabadeed oo u saamaxaya helista marin baddeed.
Wasiirka ayaa sheegay in dhaqaalaha Itoobiya hadda si degdeg ah u kobcayo, taasina ay ka dhigayso in loo baahdo marin badeed awood u leh inuu maareeyo badeecadaha gudaha iyo kuwa soo dega ama ka dhoofaya dalka.
Isagoo ka hadlayay madal lagu qiimeynayey waxqabadka qorshaha Gaadiidka iyo Saadka oo lagu qabtay Baahir Dhaar, wuxuu sheegay in badeecadaha Itoobiya soo dejiso ama dhoofiso ay aad u kordheen, nooc ahaan iyo tiro ahaanba.
Wuxuu intaas ku daray in koboca weyn ee dalka ka socda uu ka dhigan yahay in Itoobiya u baahan tahay dekado badan oo qaadi kara baahida sii kordheysa.
Ugu dambayn, wasiirka ayaa sheegay in dowladda Itoobiya aaminsan tahay baahida degdegga ah ee marin badeed, isla markaana ay u wajahday si mudnaan gaar ah leh, wuxuuna ugu baaqay dhammaan shacabka inay taageeraan dadaalladan.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya