Itoobiya ayaa loo doortay inay martigeliso shirkii 32aad ee Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada ee Qaramada Midoobay (COP 32) - ENA Af-Soomaali
Itoobiya ayaa loo doortay inay martigeliso shirkii 32aad ee Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada ee Qaramada Midoobay (COP 32)
Addis Ababa, Gudba 3/2018 (ENA): Shirkii 30-aad ee COP ayaa haatan ka socda magaalada Belem ee dalka Braasiil.
Itoobiya ayaa intii uu socday shirkaas si rasmi ah ugu gudbisay codsi ku aaddan martigelinta COP 32, waxaana codsigeeda si buuxda u taageeray dalalka Afrika.
Guddoomiyaha kooxaha wadamada Afrika ee ka shaqeeya arrimaha isbeddelka cimilada, Rijard Muyungi, ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in kooxda ay ansixisay codsiga Itoobiya ee martigelinta shirka.
Sidoo kale, Braasiil oo martigelineysa COP 30, ayaa xaqiijisay in dalalka Afrika ay si wadajir ah u taageereen in Itoobiya loo doorto inay qabato shirkan.
Go’aanka kama dambaysta ah ee arrintan ayaa lagu wadaa in la shaaciyo 12-ka Gudba 2018, marka uu soo gebogeboobayo shirkii COP 30 ee Belem.
Qaramada Midoobay waxay caadiyan shirarka COP u qeybiyaan si wareeg ah oo ku saleysan shan gobol oo caalami ah, si dalalka gobol kasta ay u helaan fursad ay u martigeliyaan shirarka.
Sidaa darteed, kadib Braasiil oo mataleysa Latin Amerika iyo Caribbean, Itoobiya ayaa noqon doonta martigeliyaha shirweynaha xiga ee COP 32.
Shirka COP 30 ee Braasiil ayaa lagu wadaa inuu soo xirmo 12-ka Gudba 2018 T.I.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya