Abuuris, hal-abuur iyo tayo sare waa in ay noqdaan hagaha shaqadeenna – Tamasgan Tirunah

Addis Ababa, Gudba 3/2018 (ENA): Isagoo qoraal soo dhigay bartiisa baraha bulshada, ayuu sheegay in intii uu ku sugnaa magaalada Dhabra Birhaan ee Waqooyiga Shewaa uu kormeeray xarumo lagu sameeyo isku-gaynta baabuurta, dhalooyinka iyo bacaha lagu kaydiyo cabitaanka.

Wuxuu sheegay in warshadahan ay yareeyaan kharashka lagu soo dejiyo badeecooyinka dibadda ka yimaada, isla markaana ay badbaadiyaan lacagta qalaad ee dalka ka baxda, maadaama ay isticmaalaan agabka gudaha.

Tamasgan ayaa tilmaamay in warshadda Fibela ee soo saaraysa baska korontada ku shaqeeya ay awood u leedahay in ay maalintii soo saarto ilaa 12 gaari, halka midda kale ee soo saarta agabka lagu shubo dareeraha ee Dede ay maalintii soo saarto 450,000 dhalo oo ay isticmaalaan shirkado badan oo cabitaanka iyo dawooyinka sameeya.

Wuxuu intaas ku daray in warshadahan ay tusaale u yihiin sida horumarka lagu gaari karo marka tayada, hal-abuurka iyo dardar-gelinta shaqooyinka la isku daro, taasoo muujinaysa sida ay Itoobiya ugu socoto jihada horumar waara.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015