War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka Caafimaadka Bulshada ee Itoobiya ku saabsan cudurka Fayraska dhiig-baxa (Hemorrhagic Fever) ee ka dilaacay Koonfurta Itoobiya

Wasaaradda Caafimaadka oo iska kaashanaysa Machadka Caafimaadka Bulshada ee Itoobiya iyo xafiisyada caafimaadka ee dowlad deegaannada, ayaa ku hawlan dadaallo lagu hortagayo cudurrada bulshada halista ku ah iyo in degdeg looga jawaabo marka ay dhacaan.

Waqtigan la joogo, waxaa magaalada Jinkaa ee dowlad deegaanka Koonfurta Itoobiya laga diiwaangeliyey kiisaska cudurka  
Fayraska dhiig-baxa (Hemorrhagic Fever) oo lagu jiro baaritaan si loo xaqiijiyo sababtiisa. Ilaa hadda siddeed qof ayaa lagu tuhmay cudurkaas.

Wasaaradda Caafimaadka oo la shaqaynaysa Machadka Caafimaadka Bulshada iyo xafiiska caafimaadka ee deegaanka, waxay goobta u dirtay koox ka kooban khubaro si ay u sameeyaan baaritaanno dhanka shaybaadhka ah iyo qiimeyn caafimaad, iyadoo sidoo kale xoogga la saarayo wacyigelinta bulshada, kala-soocidda dadka laga shakiyo, iyo bixinta adeeg caafimaad oo degdeg ah.

Wasaaraddu waxay shacabka iyo hay’adaha khuseeya ku boorrisay inay raacaan tilmaamaha ka hortagga inta aysan soo bixin faahfaahin dheeraad ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Qof kasta oo leh calaamado sida dhiig ka imaanaya sanka ama afka, qandho, matag, ama dawakhaad, waa inuu si degdeg ah ugu tagaa xarun caafimaad. In la iska ilaaliyo taabashada qof qaba calaamadaha cudurka. In gacmaha si joogto ah loogu dhaqo biyo iyo saabuun ama loo isticmaalo saabuunta jeermiska dile.

Xarun kasta oo caafimaad waa inay si gaar ah uga taxaddartaa bukaannada laga shakiyo inay qabaan cudurka “Fayraska dhiig-baxa—Viral Hemorrhagic Fever” — iyadoo la sameynayo baaritaan, go’doomin, daaweyn iyo warbixinta kiisaska.

Macluumaad dheeraad ah waxaa laga heli karaa khadadka bilaashka ah ee 8335 iyo 952.

3 Gudba 2018 T.I.
Addis Ababa, Itoobiya

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015