Itoobiya waxaa ka go'an inay gaarto natiijooyin dhiirigelin leh si looga hortago isbeddelka cimilada - Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxaa ka go'an inay gaarto natiijooyin dhiirigelin leh si looga hortago isbeddelka cimilada - Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
Addis Ababa; Gudba 5/2018 (ENA):- Itoobiya waxaa si buuxda uga go'an inay gaarto natiijooyin dhiirigelin leh oo ku saabsan isbeddelka cimilada ee madasha COP 32, ayuu yidhi Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.).
Farriin uu RW-uhu ku soo qoray boggiisa xudhiidhka bulshada, wuxuu yiri; Sharaf ayay noo tahay in beesha caalamku ay Itoobiya u igmatay mas'uuliyadda weyn ee martigelinta COP 32.
Afrika waxay hal cod kula hadashay Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP 30) ee 2025 ee ka dhacay Brasiil; adduunkuna wuu dhegeystay, ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay wakiillada dalalka Afrika ee si buuxda u taageeray dalabka Itoobiya ee ah inay Addis Ababa martigeliso COP 32 ee sanadka 2027 T.Y.
Waxaan uga mahadcelineynaa fursadda aan u helnay inaan hoggaamino dadaal wadajir ah si wax looga qabto mid ka mid ah caqabadaha ugu daran ee wajahaya aadanaha.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu sharaf u yahay in beesha caalamku ay u igmatay mas'uuliyaddan muhiimka ah.
Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aqoonsigani uu muujinayo sida Itoobiya uga go'an tahay wax ka qabashada cimilada, hoggaaminta, iyo awoodda ay u leedahay inay martigeliso dhacdooyinka waaweyn ee caalamiga ah.
Sidaas darteed, wuxuu xaqiijiyay sida Itoobiya uga go'an tahay inay gaarto natiijooyin xooggan oo macno leh oo dhiirrigelin doona tallaabo wadajir ah oo ku saabsan isbeddelka cimilada ee madasha COP32.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#COP32