Wafdiga Uu Hoggaaminayo Danjiraha Mareykanka u fadhiya Itoobiya oo Soo Gaaray Ismaamulka Diridhaba - ENA Af-Soomaali
Wafdiga Uu Hoggaaminayo Danjiraha Mareykanka u fadhiya Itoobiya oo Soo Gaaray Ismaamulka Diridhaba
Dirdhaba; Gudba 4/2018 (ENA): Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka u fadhiya Itoobiya, Mudane Ervin Jose Massinga, ayaa maanta soo gaaray Ismaamulka Diridhaba.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Diridhaba ku soo dhaweeyay Duqa Ismaamulka Diridhaba Mudane Khadir Juhar, Madaxa Xisbiga Barwaaqo laanta Diridhaba Mudane Ibrahim Yusuf, iyo mas’uuliyiin kale oo heer ismaamul ah.
Intii ay joogeen, wafdiga ayaa la yeeshay kulamo wadatashi iyo is-afgarad ah oo ay la qaateen madaxda maamulka Diridhaba, kuwaas oo lagu falanqeeyay taariikhda xiriirka labada dal iyo fursadaha maalgashi ee magaalada Diridhaba.
Kulanka ayaa lagu xusay in Diridhaba ay leedahay fursado dhaqaale iyo ganacsi oo gaar ah, gaar ahaan dhanka gaadiidka, wax-soo-saarka, iyo ganacsiga xorta ah, taas oo ka dhigaysa meel muhiim u ah xiriirka ganacsi ee gobolka.
Safiirka Mareykanka, Mudane Ervin Jose Massinga, ayaa ku dhawaaqay in dowladda Mareykanku ay qorsheyneyso in ay Diridhaba ka furto warshad bunka dhoofisa oo "zero tariff" ah, iyo sidoo kale in la hirgeliyo laanta cusub ee hoteelka caalamiga ah ee Hilton ee Ismaamulka Diridhaba.
Inta ay wafdigu ku sugan yihiin Diridhaba, waxay wada-xaajood la yeelan doonaan warshadaha dhoofiya bunka ee ismaamulka, sidoo kale waxay soo indha-indheyn doonaan goobaha ganacsiga xorta ah iyo xarumaha maalgashiga ee muhiimka ah.
Sidoo kale, wafdiga ayaa ballan qaaday in Diridhaba ay si buuxda uga mid noqon doonto barnaamijka deeqda ganacsi ee Mareykanka ee AGOA, oo ah hindise lagu kobcinayo ganacsiga iyo horumarinta wax-soo-saarka Afrika.
kaso Maraykanku bilaabay sanadkii 2000, kaasoo loogu talagalay wadamada Afrika ee Saxaraha ka hooseeya si ay uga faa’iideystaan suqa Maraykanka iyagoo calaamad la’aan (canshuur la’aan) u dhoofin kara badeecooyinkooda.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya