Maalinta Qowmiyadaha, Shucuubta iyo bulshada ayaa lagu xusi doonaa DDS si loo xoojiyo midnimada qaranka - Afhayeen Ayaan Cabdi

Jigjiga; Gudba 4/2018 (ENA): Afhayeenka Golaha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, marwo Ayaan Cabdi ayaa ku dhawaaqday in xuska 20-aad ee maalinta Qowmiyadaha, shucuubta iyo bulshada lagu xusi doono dhacdooyin kala duwan oo xoojinaya midnimada qaranka.

War-saxaafadeed ay afhayeenku warbaahinta u dirtay oo ku saabsan xuska Maalinta Qowmiyadaha, shucuubta iyo bulahada ee 20-aad, ayay ku sheegtay in maalintaas lagu xusi doono dhacdooyin kala duwan iyo hawlo horumarineed oo xoojinaya midnimada qaranka iyo deegaanka.

Waxay xustay in loo dabaaldegi doono heer deegaan Gudba 17-keega, 2018 T.I, laga bilaabo Gudba 5, 2018 T.I, dhammaan gobollada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka lagu qaban doono doodo, hawlo horumarineed iyo hawlo iskaa wax u qabso ah si loogu xoojinayo wacyi gelibta dastuurka loona xoojiyo midnimada bulshada.

Xuska 20-aad ee maalinta Qowmiyadaha, shucuubta iyo bulshada ayaa lagu xusi doonaa magaalada Hosanna ee Deegaanka Badhtamaha Itoobiya iyadoo halku-dhig looga dhigay "Isfaham Dimuqraadi ah si loo xoojiyo Midnimada Qaranka".

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015